Maamulka Shirkadda Laydhka Sompower Oo Hortagay Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida

Hargeysa – (warsoor) – Guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka shirkadda laydhka ee Sompower.

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay Eng. Maxamed Ibraahin oo ka tirsan maamulka shirkadda Sompower, oo sheegay in ay wada shaqeyn wanaagsan leeyihiin wakaaladda biyaha ee Hargeysa, taas oo la xidhiidha dhinaca hawlaha biyaha iy korontada iyo masaafadda ay isku jiri karaan meelaha beebabku marayaan iyo kaybalada laydhku, iyada oo laga taxadarayo khatar kasta oo ka iman karta isu dhawaanshaha biyaha iyo laydhka.

Sidoo kale, maareeyaha shirkadda Laydhka ee Sompower Cabdilaahi Maxamuud Ibraahin (Cabdilaahi Beershiya), oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay intii ay socotay biyo ballaadhinta caasimaddu in ay kala shaqeynayeen wakaaladda biyaha ee Hargeysa, isaga oo xusay in aanu jirin wax khilaaf ah oo dhexmaray iyaga iyo wakaaladda biyaha ee caasimadda, wuxuuna intaas ku daray in marka ay dhigayaan kaybalada ay adeegsadaan habraacyada iyo hagayaasha badqabka korontada oo ay soo saartay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir, oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in sannadihii u dambeeyey ay diyaarinayeen sidii ay u xalin lahaayeen caqabado ka horyimid biyo ballaadhinta caasimada Hargeysa, wuxuuna xusay in ay qaarkood wax ka qabteen oo ay xaliyeen yeedhitaankooduna uu daba socday hawlaha biyo balladhinta ah, isla markaana uu yahay waajib saaran wixii bulshada caqabad ku ah inay ka hawl galaan una raadiyaan fardaamin.