Maamulka iyo Madax-dhaqameedka Burco oo Shirkadda Telesom uga Mahadnaqay Taakulayntii ay Ka Gaysteen Gurmadka Abaaraha Dalka

Burco – (warsoor) – Munaasibada mahadnaq ah oo ay soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Togdheer iyo max-dhaqameedka Burco oo ka huteel City Plaze ayaa loogu mahadnaqay shirkadda Telesom lacagtii nus malyuunka dollar ahayd ee ay kaga qayb-gashay gurmadka abaaraha dalka.

Munaasibadan mahadnaqa ah oo lagu soo casuumay maamulka shirkadda Telesom Burco waxaa ka soo soo qayb-galay badhasaab ku-xigeenka Burco ahna gudoomiyaha guddida gurmadka abaaraha gobolka Maxamed Diiriye Xayd iyo Madax-dhaqameed badan oo ka tirsan madax-dhaqameedka gobolka Togdheer, waxana ka hadlay masuuliyiin dhawr ah.

Halkan ka daawo warkaasi oo dhamaystiran:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.