MAALQABEEN KU TAAMAY IN UU KELIDII GAAJADA KA TIRTIRAYO ADDUUNKA IYO QARAMADA MIDOOBEY OO KA HADASHAY

Elon Musk, maalqabeenka adduunka ayaa dhowaan ku faanay in uu ku deeqi doono lacag dhan 6 Bilyan oo doolar si uu gaajada uga tirtiro adduunyada oo dhan, laakiin waa haddii ay Qaramada Midoobey awooddo in ay soo bandhigto hannaan xisaabeed iyo qorshe fulineed hufan oo ay ku caddaynayso sida ay u isticmaali doonto haddii uu lacagtaas u dhiibo. Maalqabeenka oo farriintan boggiisa Twitter ka ku qoray ayaa Qaramada midoobey ku cariyey in ay qorshahaas keento, taas oo haddii ay dhacdo uu isaguna shirkaddiisa Tesla ka iibin doono saamiyo uu ka soo saaro lacagtan uu ugu deeqi doono barnaamij qaramada midoobey hoggaamiso oo lagu cidhib tiro gaajada.

Hadalkan Elon Mask ayaa jawaab u ahaa hadal uu hore u sheegay David Beasley, agaasimaha guud ee hay’adda cuntada adduunka oo mar uu u warramay talefishanka CNN maalqabeennada adduunka oo uu magacaabay Elon Musk iyo Jeff Bezos ugu baaqay in ay bixiyaan lacag 6 Bilyan oo doolar ah. Lacagtaas oo uu ku sheegay in ay aad u yartahay marka la barbardhigo wadarta maaliyadda ay haystaan, laakiin ay malaayiin qof ka badbaadin karto gaajo.

Hadalka maalqabeenka waxaa dhibsaday Qaramada Midoobey, gaar ahaan David Beasley oo markiiba isaga oo u jawaabaya bartiisa twitter ka ku qoray in gaajadu ay tahay aafo xanuun badan, laakiin laga hortegi karo, isaga farriintiisana ku soo lifaaqay qorshe iyo hannaan xisaabeed uu sheegay in lacagtaas ay ku maamuli doonaan haddii uu bixiyo, “Elon Musk, waxa aad na weydiisay qorshe cad oo daahfuran, waana kan” ayaa uu yidhi. Waxa aanu intaas ku daray, “Diyaar baannu u nahay in aannu wadahadal la yeelanno adiga iyo qof kasta oo kale oo ay ka dhabtahay in uu badbaadiyo arwaaxda”