Ma Lagu Odhan Karaa…?

Qofku xilka dawladnimo wuxu kaga tagi karaa:
1-Is-casilaad
2-in xilka laga qaado
3-in uu dhinto

Dadka qaar ayaa waxay isku qaldaan qofka xilka laga qaado iyo ka iskii uga taga; markaad arrin ka hadasho ayay odhanayaan muxuu uga u sheegi waayay intii uu xilka hayey;
Kuwaas waxan odhan lahaa; inkastoo ay ahayd in la igaga filnaado: Waar qofka marka xilka laga qaado ayaa lagu yidhaa sidaa ee laguma yidhaa marku iskii uga tago; ee uu isagu is-casilo. Waxa la mid ah kuwa ku odhanaya, iska yara muquuro muddo; waar kaasi aan kuugu celiyee waa ka la eryo. Ha isku qaldin Xaaji!!!!

labada aad baa loo dhegeystaa marku qofku xilka iskii uga tago; maxaa yeelay istiqaaladdii uu dhiibay wuxu ka helay awood siyaasadeed iyo haybad (moral authority); waxaba idin dhaama kuwii aan ka tegay oo intaa garanaya; si aan la ii dhegaysan ayay markiiba caammada (not intellectuals) u dhiibeen war been ah (propaganda) oo odhanaya ninkii agaasimaha ahaa ee is-casilay Xamar buu u goostay.

sababta kale ee maalintii xil-wareejinta loo diiday saxaafadda iyo Tv-yada waxay ahayd iyagoo og qofku markuu is-casilo in aad loo dhegaysto oo uu yeelanayo haybad iyo awood siyaasadeed (moral authority) oo lagu dhegaysto. Nasiib darro’se waxay isticmaaleen laba hab oo xagga ilaahay iyo xagga xorriyatal qawlka midna ku fiicnayn; mid waxay ahayd been iyo propaganda; ta kalene cabudhin saxaafada ah iyo ku xadgud dastuurka waddanka u yaal ee damaanad qaaday xorriyatal qawlka.

khudbadda uu jeediyo qofka xilka iskii uga tega waxa loo yaqaanaa khudbaddii maca-salaamaynta (valedectory speech); waa mid ka mid ah khudbdaha aadka loo jecelyahay ee ugu saamaynta badan.

Noolada; Noolaada;
Abdi Ali: your civil society activist

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.