Lix kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo la doortay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Waxaa Maanta Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada lix kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, kuwaas oo ay ku tartameen badankood dad xilal ka haaya dowladda Soomaaliya iyo kuwo horay u soo qabtay.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartami lahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi & Saciid Cumar Xuseen, balse uu tanaasulay Saciid Cumar Xuseen, waxaana kursiga kusoo baxay Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo cod gacan taag ah loogu codeeyay 44 Cod.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Ibraahin lidle Saleebaan, waxaana kursiga kusoo baxay Saalax Axmed Jaamac oo helay 29 Cod halka Ibraahim Iidle Suleeymaan uu helay 12 Cod.

Kursiga Saddexaad ayaa waxaa ku guuleystay codad gaaraya 25 Prof Cabdi Ismaaciil Samatar , waxaana la tartamay Prof Maxamed Maxamuud Alle bari oo helay 21 Cod.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Prof Cusmaan Abokar Dubbe ayaa ku guuleystay kursiga 4aad ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka 11aad, isaga oo helay 28 Cod, waxaana uu ka guuleystay Cabdikariim Maxamed Xasan oo helay 17 Cod.

Leyla Axmed Ismaaciil ayaa ku guuleystay kursiga 5aad ee sanatarada ka imaanaya gobollada waqooyi ee dalka , Layla Axmed Ismaaciil waxaa u tanaasulay Maxamed Maxamuud Cabdi, iyada oo cod gacan taag ah ku guuleysatay.

Bilaal Idiris Cabdilaahi oo horay ugu fadhiyay kursigaan ayaa ku guuleystay , waxaana uu helay 37 cod halka Saynab Axmed Boqore oo la tartameeysay ay heshay 8 cod.

Waxaa dhiman shan kursi oo lagu waddo in maalmaha soo socda ay shaaciyeen guddiga doorashada gobolada waqooyi xilli la dooran doono.