Labadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Cusub Ka banaanaa oo la Dhaariyey maanta

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha Jamhuuriyadda Somailand, Mudane Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyey labadii xubnood ee Komishanka doorashooyinka qaranka ka dhinnaa ee ka socday labada xisbi mucaarid ee Ucid Iyo Waddan.

Kulanka dhaarinta oo ay ka soo qayb-galeen Guddoomiyaha maxkamadda Sare, madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, labada guddoomiye ee UCID iyo Waddani ayaa labada xubnood lagu dhaariyey dhamaan masuuliyiintooda hortooda.

Labadan xubnood ayaa dhameystiri doona guddidii komishanka doorasha ee 5 xubnood ay sii joognaa, waxaana la filayaa in ay guddi dhawaan si rasmi ah u bilaabi doonaan hawlahooda.