Kuuriyada Koonfureed oo ku eedeeysay Kuuriyada Waqooyi inay ku soo ridday Gantaallo

KUURIYADDA WAQOOYI – (WARSOOR) – Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap, Kuuriyada Waqooyi ayaa subaxnimadii hore ee maanta laba Gantaal oo nooca loo yaqaano Cruise-ka ka soo ridday xeebaha galbeed ee dalkasi.

Ilo-wareedyo ka tirsan Millateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Gantaaladan laga soo riday magaalada xeebeedka Oncheon.

Sidokale Wasaaradda Gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in Pyongyang, ay laba Gantaal oo nooca Cruise-ka ah ku soo ridday, kuwaasi oo laga soo ganay magaalada Oncheon ee Koonfurta Pyongyang.

Xukuumadda Seoul, ayanan bixin wax faafaahin ah oo ku saabsan waxyeelada ay geeysteen Gantaalada.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Seok-yeol ayaa dhawaan sheegay in dalkiisu aanu doonayn isbeddel qasab ah oo ka dhaca Kuuriyada Waqooyi, isla markaana wada-hadallada lala yeelanayo Kuuriyada Waqooyi aysan noqonin muuqaal siyaasadeed, balse ay tahay in ay gacan ka geystaan ​​sidii nabad looga dhalin lahaa gobolka.

Madaxweyne Yoon Seok-yeol, ayaa Khudbad uu jeediyay maalintii 100-aad ee uu xafiiska joogo, ku sheegay in Pyongyang ay u wanaagsantahay inay bilowdo baabi’inta Nukliyeerkeeda si ay u hesho kaalmo dhaqaale oo ballaaran.