KULMIYE oo soo Dhaweeyey Taageerayaal kasoo Jeeda Degmooyinka Hargeysa oo ku soo Biiray

Hargeysa – (warsoor) – Xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE, ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyey taageerayaal iyo saraakiil siyaasadeed oo ka soo kala jeeda degmooyinka Gaca-libaax, Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge iyo 31-ka ee caasimadda Hargeysa, kuwaas ooh ore uga tirsanaan jiray xisbiga WADDANI.

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka Kaah ee Magaalada Hargeysa maanta, kana qaybgaleen hormoodka xisbiga oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenadiisa labaad iyo saddexaad – Md. Axmed Cabdi-dheere iyo Xuseen Aadan Cadde, Guddoomiyaha Golaha Dhexe Md. Jaamac Shabeel, xildhibaanno, madaxdhaqameed, hoggaamada heer gobol iyo heer degmo ee garabka haweenka, bogolaal taageerayaal cusub oo haween iyo dhallinyarada isugu jira, waxxaanna halkaasi si wayn loogaga hadlay muhiimada taageerayaasha cusubi ugu leeyihiin xisbiga iyo sida ay ugu qanceen KULMIYE.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ayaa soo dhaweeyey siyaasiyiinta iyo taageerayaasha cusub ee ku soo biiray xisbiga, isagoo shaaca ka qaaday inuu xooggooga iyo maskaxdooda ay maanta laga bilaabo kaga mid yihiin xisbiga KULMIYE oo aan la kala lahayn, isla markaana uu hubo inay taageerada xisbiga wax weyn ku soo kordhin doonaan.

Xubno siyaasiyiin ah oo horkacayey taageerayaashan cusub, kana soo digo-rogtay xisbiga WADDANI oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyihii Abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga WADDANI u qaabilsanaa degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge Mr. Alla-magan Abiib, Suldaan Quraysh oo ahaa la-taliyihii arrimaha dhallinyarada ee xisbiga WADDANI, Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee degmada 31-ka May ee WADDANI Marwo Fadxiya Dool Maxamed, Guddoomiyihii degmada Maxamuud Haybe ee WADDANI Mr. Maxamed Koorre iyo Maxamuud Axmed Cabdi oo Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI ka tirsanaa, waxaanay si isku mid ah shaaca uga qaadeen inay ku qanceen siyaasadda xisbiga KULMIYE, isla markaana ay xisbigoodii uga yimaadeen hoggaan jilicsan, sidaasi darteedna ay maanta laga bilaabo taageero mug iyo miisaan leh la garab geli doonaa xisbal-xaakimka KULMIYE, waxaanay taageerayaashooda ugu baaqeen inay codkooda siiyaan KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha oo ah hoggaamiyaha keliya ee ku habboon maamulka talada waddanka kadib Madaxweyne Siilaanyo.

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah salaadiinta reer Somaliland oo madasha hadallo bogaadin iyo soo dhaweyn u badan ka jeediyey, ayaa dhallinyarada ku dhiirrigeliyey inay gacan siiyaan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo waxqabad iyo horumar ballaadhan u hirgelisay bulshada Somalialnd.

Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira KULMIYE, ayaa taageerayaasha iyo siyaasiyiinta la midoobay xisbiga KULMIYE si faahfaahsan uga xog-warramay sida mugga leh ee bahweynta KULMIYE u soo dhaweeyaan cid kasta oo taageeradeeda ku soo biirisa, waxaannu u tilmaamay inay yimaadeen madal loo wada simanyahay inay cid waliba si xor ah fikirkeeda uga dhiiban karto.

Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigelinta ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdikariin Axmed Maxamed oo halkaas ka hadlay, ayaa taageerayaasha KULMIYE, kuwii hore u sii joogay iyo kuwooda haatan ku soo biirayba kula dardaarmay inay codkooda si midaysan ugu hiiliyaan murrashax Muuse Biixi Cabdi, si loo sii ambo-qaado waxqabadka ay ku tallaabsatay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ka dhalatay xisbiga KULMIYE, waxaannu xusay inay bulshadu hore uga marag-furtay horumarka uu KULMIYE dalka u horseeday.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige, ayaa isaguna soo dhaweeyey taageerayaasha cusub iyo xubnaha siyaasiyiinta ah ee hoggaaminayaba, waxaannu farriin gaar ah u diray dhallinyarada reer Somaliland oo uu ugu baaqay inay qabyaaladda iyo kala qoqobnaanta ka baxaan, si horumar iyo barwaaqo dhinac walba ah loo gaadhi karo.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si kal iyo lab ah u soo dhaweeyey taageerayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa ee xisbiga kusoo biiray, waxaanay farriimo wax-ku-ool ah oo dhinacyo badan taabanaya u diray bulshada reer Somaliland, gaar ahaan dhallinyarada.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu waano iyo hogo-tusaalayn siiyey da’yarta reer Somaliland si loo helo bulsho horumarta oo dhinac walba ka dhisan, waxaannu yidhi “Dhallinyarada maanta wixii 30-jir ka yar waxaynu ka doonaynaa inay noqdaan akhlaaqda wanaagsan ee diinta iyo dhaqanku ina farayaan kuwo hirgeliya oo ka horyimaadda dhaqamada aadka laf-jabka u ah, dhallinyarada KULMIYE-na waxaan ka doonayaa inay ka hortagaan falalka xaafadaha ka dhaca ee da’yartu is-dilayaan iyaga oo aan isu tudhaynin, kuwa caynkaas ahina KULMIYE maaha, dhaqankiisiina ma laha, mana dhaqi karo, dhallinyarada maantana waxa aynu ka doonaynaa inay horseed ka noqdaan inay la dagaallamaan waxa la yidhaahdo gaangiistarnimada.”

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay dhibaatooyinka kala duwan ee dalka ka jira, waxaannu si gaar ah u tilmaamay saamaynta ay abaartii ka dhacday dalku kaga tagay dadka, “Dadkeenii maanta aad buu u tabaalaysan yahay, tii abaartii mid ka culus baana haysata oo dadkii way guureen oo deegaamadoodii bay ka fogaadeen, hantidiina way ka baxday, xoolaha kuwii hadhayna roobka ma xejin karaan, haddii aynu KULMIYE nahay iyo Somaliland oo dhan waxa inoo ballan ah inaynu maanta dadkaas u gurmanno, inta xooluhu soo noqonayaana waxa aynu hayno ay inala qaybsadaan, Ilaahayna inoogu naxariisan maayo oo harumar ku gaadhimayno haddii aynu innaguna maalintii saddex goor doonno inaynu Hilib iyo baruur isla dhacno, dadkii xoolaha inoo dhaqayeyna ay gaajo u dhimanayaan, Aakhirona waa innagu dambi, ifkana waa inagu talo-xumo,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaannu intaa raaciyey isagoo iftiiminaya  baahida loo qabo in qorshe loo sameeyo dhul-daaqsimeedka, “Waxa aynu u baahanahay inaynu dhulka xoolo-daaqeenka ah ka dhigno qayb aynu gu’gii daaqno iyo qayb aynu xoolaha u keydino, waxaanan ka digayaa dadka marka la yidhaahdo Seerihii baa la oodayaa oo dhulka waa la keydinayaa odhanaya dhulkayagii baa lanaga qaadayaa, waxynu nahay ummad Geel iyo Faras ku faanaysa, laakiin maanta Geel iyo Faras gaajo innaga saari maayaan oo maanta xaaladdii iyo cimiladiiba way isbeddeleen ee qorshe ayeynu u baahannahay.”

Murrashax Muuse Biixi waxa uu sheegay in sida keliya ee dunidu ku hormartay tahay in dal waliba dadkiisa xoogga ah ka shaqaysiiyey, sidaasi darteedna uu doonayo in dhallinyarada reer Somaliland uu galiyo shaqooyin ay dalkooda iyo ubadkoodba wax ugu qabtaan, “Anigu waxaan idiin ballanqaadayaa haddii Ilaahay halkaas I keeno in nin dhallinyaro ah oo 20-jir ah oo reer Somaliland ahi ay gacmuhu dhididaan oo aad tacab gashaan, mana aha inaad fadhidaan oo intaad shaadh cad soo xidhato aad tidhaahdo shaqaan doonayaa, xammaal  baa lagaa dhigayaa, waddooyinkaa la idinku qodayaa, buurahaa la idiin dirayaa, si aad idinku u dhibtootaan, laakiin kuwa aad dhali doontaan iyo kuwa dambe u helaan waddo hagaagsan, dal walbana sidaas ayaa lagu dhisaye laguma dhisin sheeko,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA KHUDBADDA GUDDOOMIYAHA:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.