Kullan dhexmaray Somaliland Iyo Dowladda Imaraadka Oo Lagaga Wada Hadlay Mashaariic Laga Hirgalin Doono Somaliland

Abu Dhabi – (warsoor) – Xubnihii Gollaha wasiirada ahaa ee Somaliland ku sugnaa dalka Imaraadka carabta ayaa kullan muhiim ahi ku dhexmaray magaalada Abu Dhabi iyaga iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda UAE.

Kullankaasi Weftiga Somaliland ay la qaateen masuuliyiinta ugu sareeya hay’adda Samofalka Imaraadka ee Khalifa Foundation iyo Hay’adda maalgashiga iyo horumarinta ee Abu Dhabi Fund for Development (ADFD), waxa lagaga wadahadlay mashaariicda horumarinta iyo samofalka isugu jirta ee dowladda Imaraadka carabtu ka hirgalin doonto dalka Jamhuuriyada Somaliland labada sanno ee soo socda, kuwaasi oo isugu jira dhinaca horumarinta Biyaha sida Dhaamam, ceelasha iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida dariiqa Berbera corridor, madaarka cusub ee Berbera, balaadhinta dekadda Berbera, Dhismaha guryo danyarta loo dhisi doono iyo waliba inay gacan ka geystaan mashaariicda kale ee horumaneed ee dalka ka socda.

Mashaariicda horumarineed oo ku kici doonta lacag ku dhaw 3 Bilyan oo dirham waxa u kale qaybsan tahay maalgalinta dekadda berbera oo ay ku baxayso $420, mashaariic samofal iyo horumarineed $100, dhismaha waddada Berbera Corridor iyo $25 oo lagu samayn doono Free Zone-ka dekadda Berbra yeelan doonto. Waxaan ku jirin mashaariicdan madaar cusub oo caasimada G/Saaxil Berbera yeelan doonto iyo dhismaha saldhiga milatariga oo ay ku jirto dekad cusub oo maraakiibta milatarigu isicmaali doonaan. Waxaana lagu wadaa in mashaariicdaasi dalka Somaliland laga hirgalin doono labada sanno ee soo socda haddii Allah idmo.

 

Somaliland Office in UAE

Naasir Yuusuf Daahir 

Director Presidential of Media

Hargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.