Muqdishi -(warsoor) – Kulankaan oo lagu soo bandhigayay sharciga lagu dhaqayo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho
Fadhigan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, xildhibaano, Taliska Ciidanka ilaalada nabad gelyada wadooyinka ee Taraafiko, gaadiidleyda, qaar ka mid ah Ganacsatada Gaadiidka iyo marti sharaf kale.
Cisman Xasan Cilmi oo ku hadlayay magaca ganacsatada gaadiidka ayaa ka hadlay muhiimadda sharcigan uu u leeyahay, waxaana xusay in uu yahay shircigan mid loo baahan yahay xiligaan.
Garyaqaanka Guud ee dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Cisman Cilmi Guuleed oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in sharcigaan lagu dhaqayo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan uu leeyahay ahmiyad gaar ah.
Wasiirka Waraaradda Gaadiidka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad oo isna madasha kulanka ka hadlay ayaa sheegay in sharcigaan uu qeyb weyn ka qaadanayo dhinaca amniga muhiimna uu yahay xilgan.
XIGASHO: SONNA
This post is also available in:
Somali