Kulan lagaga Tashanayo Baahiyaha ka Jira Degmooyinka Caasimadda Hargaysa

Hargaysa – (warsoor) – Masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay degmooyinka caasimadda Hargeysa kaas oo ku saabsanaa Baahiyaha ka jira degmooyinka,si loogu saleeyo miisaaniyadda Golaha deegaanka.

Waxana kulankaasi kasoo qayb galay Meeyarka  caasimadda iyo ku xigeenkiisa, Xoghaya fulinta dawladda Hoose iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha dawladda Hoose.

Xoghaya fulinta dawladda Hoose Axmed Yoonis Aadan (Juxa) ayaa sheegay in kulankaasi aanu wax cusub hasa ahaatee marwalba ay hore u qaban jireen si bulshada loogala tashado Miisaaniyadda iyo baahiyaha jira si looga doodo loona ansixiyo.

Duqa caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa qaybaha bulshada uga warbixiyay mashaariicda la fulin doono. Waxaanu sheegay in dadweynuhu baahiyaha ay soo codsadeen kamid yihiin Biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa, Waxbarashada aasaasiga ah, caafimaadka, Waddooyinka, iyo Aminiga kuwaas oo uu xusay in dhamaantood ay Bajad ugu dareen miisaaniyadda golaha deegaanka.