Ku-simaha Madaxweynaha JSF oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Garoowe

GAROOWE – (WARSOOR) – Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa soo gaaray Magalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Jeneral Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Sidoo kale soo dhaweynta waxaa qeyb Ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Magaalada Garoowe, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada Puntland, xildhibaanno kamid ah DFS, saraakiil & dadweyne kale. intaasi ka dib Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa loo gudbiyay Hoyga Martida ee Madaxtooyada Puntland.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS uu ku yimid magaalada Garoowe waxaa ku wehliya Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS, iyadoo inta Garoowe joogaan ka shaqeyn doonaan nidaaminta shaqada Guddiga Joogtada ah iyo u diyaargarowga Kalfadhiga 2aad BJFS, waxaana sanadihii hore shirarkan lagu qaban jiray dalka dibadiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Shacabka iyo dowaladda soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay islamarkaana warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DPL, isagoo uga warbixiyey xaalada guud ee deegannada Puntland.