Kalfadhiga Golaha Wasiiradda Somaliland oo Warbixino Lagu Dhagaystay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Fadhigii 82aad Ee Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland Oo Warbiximo Lagaga Dhegeystay Qaar Ka Mida Golaha Wasiirrada.

Fadhigii 82aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa war-biximo lagaga dhagaystay Wasiirrada Wasaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Waxaana goluhu ka wada hadlay arrimaha xoojinta amniga Dalka oo goluhu dood dheer ka yeeshay. Sidoo kale goluhu waxa uu lafo-guray dardar-gelinta siyaasadda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap