Kal-fadhigii saddexaad ee golaha Wakiillada oo Furmay iyo wargelinta Guddoomiyaha

Hargeysa -(WARSOOR )- Kal-fadhigii saddexaadย  ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta golahaasi.

Guddoomiyaha golaha wakiillada mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in maalinta isniinta haddii ILLAAHEY yidhaahdo uu madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu khudbad sanadeedkiisi dastuuriga ahayd uu ka jeedin doono xarunta baarlamaanka.

Fadhigii maanta ee golaha wakiillada Somaliland oo uu shirโ€™guddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Cabdirisaaq Khaalif Axmed, ayaa mudanayaasha golahaasi waxa uu uga waramay in mudada ay ku gudda jiraan ajandahooda ay ku eegi doonaan qodobada ay ka mid ka yihiin.

Xaalada guud ee dalka, qabyo qoraalka xeerka shirkadaha caymiska, xeerka ka hortaga iyo xakameynta ka ganacsiga iyo tahriibinta dadka, kaas oo ka soo noqday golaha guurtida Somaliland, wax-ka-baddelka xeerka maareynta maaliyadda dawladda ee xeer Lr./75/2021, wax-ka-baddelka xeerka cashuuraha bariga xeer Lr/72/2016, qabyo qoraalka xeerka qaxoontiga iyo magangeliyo doonka.

Ansixinta masuuliyiinta xukuumaddu soo magacowdo, xeerarka golaha guurtida ka soo noqda iyo wixi kale ee soo kordha.
Sidoo kale waxaaย  mudanayaasha loo qaybiyay ajande hawleedka golaha ee kalfadhigan, iyadoo loo balamay in fadhiga xiga lagaga doodi doono, laguna ansixin doono.