Local News

Kal-fadhigii Golaha Wasiirrada JSL Ee Maanta Oo Xeerar Lagu Ansixiyey Kuwo Kalena Lagaga Dooday

HARGEYSA – (WARSOOR) – Fadhigii 52aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday xeerar cusub, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey xeer in muddo ah ay goluhu ka doodayeen.  

Ugu horrayn waxa fadhiga maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka Shaqaalaha Rayidka ah X/No 31/2004 oo ay goluhu dooddiisu kusoo jireen, iyada oo wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland warbixin lagaga dhegaystay. Waxa sidoo kale dood iyo falanqayn dheer uu goluhu ka yeeshay laba xeer oo kala ah: 1. Xeerka

  1. Xeerka Ilaalinta xuquuqda carruurta iyo
  2. Xeerka maalgashiga.

HALKAN KA DAAWO HADAL MADAXWEYNUHU KA JEEDIYEY SHIRKA

ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame JaamacAf-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.