Jawaari oo sheegay in la duudsiiyey xuquuqdiisa doorasho

MUQDISHO – (WARSOOR) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inaysan doorashada Soomaaliya ahayn mid xalaal ah oo daahfuran, sida uu hadalka u dhigay.

Jawaari waxa uu la hadlayey warbaahinta kadib markii uu kasoo laabtay Baydhaba oo lagu dooranayo kursigiisa HOP#103.

Waxa uu sheegay in xuquuqda muwaadinka ee ah in la doorto waxna uu doorto loo diiday.

Waxa uu intaas ku daray in doorashadu aysan ahayn mid xor ah balse ay tahay mid ku jirta gacanta hal qof, sida uu hadalka u dhigay.

Jawaari ma sheegin magaca qofkaas.

Waxa uu sheegay inay wadahadallo u socdaan odayaasha beesha iyo madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaan markiiba ka jawaabin hadalka kasoo yeeray guddoomiyihii hore ee baarlamaanka.