Jawaari: Farmaajo ayaa qeyb ka ah khilaafka baarlamaanka

Soomaaliya – (warsoor) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dadaalladii lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan baarlamaanka ay guul darreysteen.

Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu ku gacan seyray dalab loo soo jeediyay oo ahaa inuu is casilo.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu qeyb ka yahay khilaafka, qaadi doonana ”masuuliyadda haddii ay fowdo dhacdo”

”Aaad baa la iiga gar daran yahay in la i weydiiyo inaan is casilo, annigu sharci baan ku imid, sharci uun ayaana ku bixi karaa,” ayuu yiri Jawaari.

Arrin Qariib ah

Jawaari ayaa sheegay in sida ku cad dastuurka shaqooyinka xukumadda iyo kan guddoonka baarlamaanku ay yihiin kuwa kala baxsan, oo ay wada shaqeyn uun ka dhexeysa.

”Waa arrin qariib ah in xukuumadda ay dhahdo lama shaqeyn karno Guddoonka Baarlamaanka, micnaheedu waxay tahay inaan iyaga u shaqeeya ayay rabaan”

Sabtidii ayaa la baajiyay kulanka Golaha Shacabku oo ajandayaal iska soo horjeeda looga hadli lahaa balse hadda waxay u muuqataa in khilaafka labada dhinac ee goluhu u qaybsamay wali uu taagan yahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wadahadalo la lahaa dhinacayda is haya tan iyo Sabtidii haseyeeshe waxa muuqata inaan lagu guuleysan waanwaanta.

Xafiiska madaxweynaha wali kama uusan hadal eedeyntan u dambeysay ee ka soo yeertay Jawaari.

Inkastoo aanay wali warqad rasmi ah ka soo bixin xafiiska gudoomiye kuxigeenka kowaad, haddana xildhibaanada isaga taageersan waxay ku adkeysanayaan inay barito oo Arbaco ah qaban doonaan shirkii Sabtida la joojiyay, taasoo mar kale xaaladda uga sii dari karta. Jawaari ayaa sharci darro ku tilmaamay kulankaas.

Xildhibaanada soo jeedinta xil ka qaadista ka keenay guddoomiye Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku adkeysanaya in soo jeedintoodu sideedii u taagan tahay isla markaasna ay sharciyad ku qotonto.

Xildihbaan Aden Isaaq oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay sugayeen inuu is casilo Jawaari, haseyeeshee aanay taasi muuqan sidaada daraadeedna ay doonayaan in sharciga lagu kala baxo.

“Anaga waxan intaas oo dhan aan la aamusnayn waxay ahayd tanaasulaad aan samaynay, dalkan Soomaaliya laguma maamuli karo xeer jajab, haddii maanta innagii sharci dajiyayaashii ahaa aan doonayno in dalkayaga aan ku maamulno xeer jajab, maxaan ka fili karnaa, xaggee u soconaa, jiilka cusubna xaggee ku hogaamin doonaa, taasina waxay tusaale u tahay niyad jabka aan ka qaadnay dadkii dastuurka ka soo shaqeeyay ee uu Jawaari ugu horeeyo, annagu waxan mar walba u taaganahay waxa weeye inaan kuwada xisaabtano sharciga.” Ayuu yiri Xildhibaan Aden Isaaq.

Xildhibaanada taageersan gudoomiye Jawaari ayaa ka digaya in xildhibaanada dhinaca kale ay qabtaan shir aan la isla ogolayn taasina ay ka dhalan karto dalku inuu galo xaalad fawdo ah. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo isna BBC-da u waramay ayaa sheegay in kulan kasta oo sharciga baal marsan oo la qabtaa uu dalka dib ugu celi karo xasiilooni daro.

“Awood uma lahaxubin ka tirsan baarlamanaka intuu idaacad istaago sheego maalin hebel ayaan shir qabanaynaa, doorashaduna dhacaysaa. Ggudoomiyihii Baarlamanka ma iclaaminin sharciyana isagaa awood u leh inuu Baarlamanka balamiyo maalinta ay shir qabsanayaan iyo ajandaha waxa uu ku saabsanyahay inataba.” Ayuu yiri Xidhibaan Khaliif Cabdi Cumar

Shalay gudoomiye kuxigeenka Koowaad Cabdiwali Ibrahim Sheekh Muudey waxa uu shaqo joojin ku soo rogay xogeeyaha guud ee Baarlamanka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux, haseyeeshee isla shalay waxa warqadaasi ku gacan seyray gudoomiye Jawaari oo ku tilmaamay shaqo joojintaasi mid aan sharciyad haysan, wuxuna ku amray xogeeyaha guud inuu shaqadiisa sii wato.

Khilaafka ragaadiyay dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay Baarlamanka Soomaaliya waxa uu cuuryaamiyay hawlihii dawladda, iyadoo dhinacyada oo dhan isku dayayaan in midba midka kale uu ka guuleysto.

Gudoomiye Jawaari ayaa horay xukuumadda Kheyre ku eedeeyay inay duulaan ku soo qaaday Baarlamanka taasina ay khatar ku tahay habsami u wadashaqaynta hay’adaha dawladda. Illaa hadda wax jawaab ah oo ku saabsan eedeyntaasi lagama hayo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dalalka iyo hay’adaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosmay hay’adaha dawladda federaalka, waxayna ku baaqeen in loo hogaansamo dastuurka iyo sharciyada kale ee wadanka u yaala, laguna xaliyo khilaaf kasta oo jira.

 

Xigasho: BBC SOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.