Hargeysa – (warsoor) – Garabka Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay sheegeen inay dacwadda u gudbin doonaan maxkamadda sare ay kaga cabanayaan shirkii Garabka Faysal uu Qabsaday.
Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in shirkii shalay la soo gabo-gabeeyey ee Eng. Faysal Cali Waraabe loogu doortay inuu yahay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID uu yahay mid sharci daro ah, go’aankii maxkamaddu ku soo saartay in la qabto shir aan caadi ahayn aan loo qaban sidiisii.
Jamaal Cali Xuseen ayaa sidoo kale eedeeyey Guddida diwaan-galinta ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta xisbiyadda Qaranka waxaanu sheegay in guddidu ay markii hore sheegeen in labadda shir ee ay labadda garab ku kala dhawaaqeen ay yihiin sharci daro. Hadda markii shalay la doortay Eng. Faysal Cali Waraabe waxa ay sheegeen inuu sharci yahay shirka gudoomiyaha xisbigu uu qabtay.
Halkan ka daawo warkaasi oo aanu ka soo xiganay Channelka Mire Media:
This post is also available in:
Somali