Jaamacadda Difaaca Itoobiya Oo Ay Ka Qalin-jebiyey Maanta Dhakhaatiir Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland

Ethiopia – (WARSOOR) – Waxa maanta jaamacadda Difaaca ee Dalka Ethiopia ka soo baxay kana qalin-jebiyey dhakhaatiir ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qalin-jebiyey shahaadada koowaad iyo labaad, sidoo kale waxa maanta isla jaamacadaasi ka qalinjebiyey saraakiil bartay Injineernimada.

munaasabadan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Ethiopia, Marshal Birhanu Jula, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Ethiopia, Saraakiil ka socda Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Sare Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug oo ah ku xigeenka hoggaanka xidhiidhka dibada ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayaan sarakiil kale oo katirsan ciidanka Qaranka, marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasibada qalin-jebinta oo isugu jira qoysaskii ay ka soo jeedeen ardayda qalin-jabisay iyo masuuliyiin kale oo ka socday dalalka la jaarka ah Ethiopia ee ay ciidamadoodu qalin-jebinayeen.