Jaaliyadda Somaliland ee Kenya oo soo dhawayn u samaysay Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisii

Nariobi – (warsoor)- Jaaliyadda Somaliland ee dalka Kenya, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Nairobi, ayaa soo dhawayn aanay u kala hadhin u qaabilay weftigii Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbal-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Munaasibad ballaadhan oo ay soo qabanqaabisay jaaliyadda Somaliland eek u dhaqan dalka Kenya, laguna qabtay xarunta shirarka loo yaqaan KISS ee magaalada Nairobi ee dalka, ayaa soo dhawayn aan loo kala hadhin loogu sameeyey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, iyadoo ay xafladdaasi ka qaybgaleen aqoonyahan, ganacsato, siyaasiyiin, wakiillada xisbiyada Somaliland ee dalka Kenya iyo dadweyne badan oo ka mid ah jaaliyadda ku dhaqan dalkaasi.

Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Md. Cabdillaahi Cabdi Cali, Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Kenya Siciid Dubbad Cali, wakiilka xisbiga KULMIYE ee Kenya Yaasiin Abubakar Jaamac, Marwo Nageeya Aadan Oomaar iyo weliba Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Ganacsatada suuqa ISLII Xuseen Aar, ayaa dhammaantood hadallo soo dhawayn ah ka jeediyey xafladdaasi, una mahadceliyey Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa u mahadceliyey jaaliyadda Somaliland soo dhawaynta ay u sameeyeen Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE. Waxa kaloo ay ku wargaliyeen jaaliyadda inay u diyaargaroobaan xuska sannad-guurada 25 aad ee gooni-isu-taagga Somaliland ee 18 MAY.

Nairobi5

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo gabogabadii munaasibaddaasi khudbad ka jeediyey, ayaa jaaliyadda uga warramay xaaladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada nolosha, abaarta, siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka.

Md. Muuse biixi waxa uu sheegay in aanay wax dhibaato ahi ka imanayn doorashooyinka Somalialnd, waxaannu yidhi, “Waxaynu ku jirnaa sannadkii doorashada, markay doorashadu jirtana dadku way walwalaan, Somaliland way ka wayn tahay KULMIYE, WADDANI iyo UCID iyo nin la dooranayo, waa saddex xisbi oo walaalo ah, Somaliland baa wada dhashay oo waa carruurteedii ee malaha iyaguba hooyadood hadimo u quudhimaayaan.  Xisbiyadu waa inay innaga saaraan qabiilka, qoqobnaanta iyo reer reerka, waa ujeeddada aynu u samaysanay xisbiyada.”

Nairobi1

Waxa kaloo uu ka dhawaajiyey Guddoomiyuhu in dawladda Somaliland wado qorshe dalka dib loogu soo celiyo maydadka wixii la helo dhallinyaradii ku dhimatay doonidii ku degtay badwaynta u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga horraantii bishi hore ee April, “Waxaannu ku rajowaynahay beryahan dawladda Masar baanu la hadlaynay in diyaarad aannu u dirno wixii maydad la helo aynu soo qaadano oo halkan la keeno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.