Itoobiya oo xakamaysay rabshadihii Jinsi faquuqa ahaa ee ka dhexeeyay Soomaalida iyo Oromada

Adis ababa-(warsoor)-Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigay in ka badan 170 Qof oo ka mid ahaa dadka rabshadaha isirka ku salaysan ka wada gobolka Oromada sida ay sheegtay Warbaahinta codka ciidamada ee FANA.

Saraakiisha amniga dawlada Itoobiya ayaa sheegaya in tuhmanayaasha lagu eedeeyay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhiirigelinta rabshadaha, dhul boobka sharci-darrada ah,  bililiqaysiga iyo weerarrada jinsiga ku salaysan.

Gobolka Oromiya ayaa xuddun u ahaa kacdoonno iyo mudaharaadyo rabshada wata oo saddexdii Sanno ee lasoo dhaafay ka taagnaa dalka Itoobiya, markii ay saluug ka muujiyeen siyaasaddii xukuumadihii hore, dibed-baxyadaas oo keenay inuu iscasilo Ra’iisul wasaare hore Hailemariam Desalegn.

Tan iyo markii uu xafiiska qabtay Ra’iisul wasaare, Abiyah Axmed Cali, Abriil 2018 , waxaa dalka Itoobiya iyo siyaasadda Gobolkaba ka bidhaamay is beddel siyaasadeed oo ka duwan kuwii isaga ka horreeyay, maaddaama uu kasoo baxay Qoomiyadda Oromada oo tacaddiyo badan ka tirsanaysay maamulladii hore.

Sida laga soo xigtay hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka iyo kuwa Qaramada Midoobay, in ka badan 800,000 oo Qof ayaa ka qaxay rabshadihii ka socday inta u dhexeysa Gobollada Oromada iyo Soomaaliya ee koonfurta waddanka Itoobiya Bishii hore oo keliya.

Abiy Axmed oo diiradda si weyn ugu hayay degaanka Soomaalida Itoobiya ahmiyad gaar ahna siiyay ayaa wuxuu kaalin mug leh ka qaatay xasilinta iyo xal u helidda dhibaatooyinka kala duwan ee halkaasi ka jiray, wuxuuna amray in tallaabbo laga qaado ciddii isku dayda in ay qalalaase ka abuurto Gobolka gaar ahaan xudduudda ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromada.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.