Ismarin waa ka dhex taagan labada garab ee baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) – Waxaan wali higrelin kulan uu Baarlamaanka Soomaaliya uu ka yeelan lahaa labo ajande oo iska soo horjeeda oo ay kala wateen guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa koowaad oo lagu waday in lagu qabto dhismaha guriga umadda ee magaalada Muqdisho.

Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyay hoolka ay ku shiraan xildhibaanada oo aroortii hore ay soo xaadireen tobannaan xildhibaan balse markii dambe la diiday in xildhibaano kale soo galaan.

Labada dhinac ee Golaha Shacabka ee Baarlamanku u qaybsanyahay ayaa midba mid kale ku eedeynaya inuu wado awood maroorsi.

Waa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabdi Maxamad oo ku eedeynaya gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa koowaad Mahad Cabdalla Cawad inay ciidan lasoo galeen dhismaha baarlamanka.

Xildhibaanada taagersan codka kalsoonida ayaa ku edeeyay guddoomiyaha inuu is hortagay dadaallada dhameystirka dastuurka iyo eedeymo kale. Guddoomiyaha ayaa beeniyay eedeymahaasi.

Taageerayaasha Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa diidan in codkan la qaada iyagoo ku eedeeyay xukumadda inay gadaal ka riixeyso codkan oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.

Wali ma kala cadda in codkaasi uu qabsoomi doona iyo in kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Talaadadii sheegay in dadaalladii lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan baarlamaanka ay guul darreysteen.

Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho shalay ayaa sheegay inuu ku gacan seyray dalab loo soo jeediyay oo ahaa inuu is casilo.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu qeyb ka yahay khilaafka, qaadi doonana ”masuuliyadda haddii ay fowdo dhacdo”

”Aaad baa la iiga gar daran yahay in la i weydiiyo inaan is casilo, annigu sharci baan ku imid, sharci uun ayaana ku bixi karaa,” ayuu yiri Jawaari.

Sabtidii ayaa la baajiyay kulanka Golaha Shacabku oo ajandayaal iska soo horjeeda looga hadli lahaa balse hadda waxay u muuqataa in khilaafka labada dhinac ee goluhu u qaybsamay wali uu taagan yahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wadahadalo la lahaa dhinacayda is haya tan iyo Sabtidii haseyeeshe waxa muuqata inaan lagu guuleysan waanwaanta.

Xafiiska madaxweynaha wali kama uusan hadal eedeyntan u dambeysay ee ka soo yeertay Jawaari.

Mar sii horreysay gudoomiye kuxigeenka Koowaad Cabdiwali Ibrahim Sheekh Muudey waxa uu shaqo joojin ku soo rogay xogeeyaha guud ee Baarlamanka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux, haseyeeshee isla shalay waxa warqadaasi ku gacan seyray gudoomiye Jawaari oo ku tilmaamay shaqo joojintaasi mid aan sharciyad haysan, wuxuna ku amray xogeeyaha guud inuu shaqadiisa sii wato.

Khilaafka ragaadiyay dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay Baarlamanka Soomaaliya waxa uu cuuryaamiyay hawlihii dawladda, iyadoo dhinacyada oo dhan isku dayayaan in midba midka kale uu ka guuleysto.

Gudoomiye Jawaari ayaa horay xukuumadda Kheyre ku eedeeyay inay duulaan ku soo qaaday Baarlamanka taasina ay khatar ku tahay habsami u wadashaqaynta hay’adaha dawladda. Illaa hadda wax jawaab ah oo ku saabsan eedeyntaasi lagama hayo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dalalka iyo hay’adaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosmay hay’adaha dawladda federaalka, waxayna ku baaqeen in loo hogaansamo dastuurka iyo sharciyada kale ee wadanka u yaala, laguna xaliyo khilaaf kasta oo jira.

 

Xigasho: BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.