Iran oo casuumaad u dirtay boqor Salmaan bin Cabdulcasiis

TEHRAN — (WARSOOR) – Iran ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu casuuntay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan inuu booqasho ku yimaado Tehran, kadib heshiis dib u heshiisiin ah oo bishii hore ay gaareen labada waddan.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran sanadkii 2016-kii, kadib markii safaaraddeeda Tehran iyo qunsuliyada ku taalla magaalada Mashhad ee waqooyi-galbeed ee dalkaasi la weeraray xilli ay socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo xukunkii Riyaad ay ku fulisay wadaadka Shiicada ahaa ee Nimr al-Nimr.

Labada quwadood ee Bariga Dhexe ayaa dhowr wareeg oo wadahadal ah ku yeeshay Ciraaq iyo Cumaan kahor inta aan la gaarin heshiiska lagu hagaajinayo xiriirka 10-kii Maarso, kaas oo ka dhacay dalka Shiinaha.

Isniintii, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Nasser Kanani ayaa sheegay in madaxweyne Ebrahim Raisi “uu ku casuumay boqorka Sacuudiga inuu soo booqdo Iran.”

Kanani ayaa sheegay in madaxweynaha Iran uu horay u helay casuumaad uu ku booqanayo boqortooyada ay maamulaan Sunnigu.

Afhayeenka ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in Iran iyo Sacuudi Carabiya ay dib u furaan xafiisyadooda diblumaasiyadeed marka la gaaro 9-ka May, sida uu qorshuhu yahay heshiiska Shiinaha ay garwadeen ka tahay.

Waxaa la filayaa in sanadkan bartamihiisa bisha June ay bilaabato gudashada waajibaadka Xajka ee goobaha barakeysan ee dalka Sacuudiga oo ka mid ah tiirarka Islaamka.

Maalmihii la soo dhaafay, wufuud ka kala socotay labada dal ayaa booqasho ku tagay safaaradaha Riyadh iyo Tehran iyo qunsuliyadaha ay ku leeyihiin Jeddah iyo Mashhad, si ay u bilaabaan hannaanka dib u furista.

Lixdii April, wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran iyo Sacuudiga, Hossein Amir-Abdollahian iyo Prince Faisal bin Farhan, ayaa waxay ku yeesheen Beijing wadahadal ku saabsan dhaqangelinta caadiga ah ee xiriirka labada dal.