Imaaraadka Carabta:Madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo geeriyooday:

Imaaraadka Carabta – (WARSOOR) – Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo da’diisu aheyd 73 sano jir ayaa geeriyooday, sida ay ku warantay wakaalada wararka Imaaraadka ee WAM.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi ayaa ku dhawaaqday in la sameynayo 40 maalmood oo baroor diiq ah oo ay ku jiraan saddex maalmood oo la xirayo wasaaradaha , hay’adaha rasmiga ah ee heer federaal iyo heer degmo iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Sheikh Khalifa, ayaa muddo sanado ah  la tacaalayey xanuun, waxaana iminka walaalkiis, Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Mohammed bin Zayed, loo arkayaa inuu yahay hoggaamiyaha is-beddelka.

Sheekh Khaliifa, ayaa xilka kala wareegay aabihiis iyo aasaasihii Imaaraadka Carabta Sheikh Zayed sanadkii 2004-tii, Toban sano ka dibna waxaa ku dhacay xanuunka istaroogga, taas oo ilaa iyo waqtigaas ka dhigtay nin aan lagu arag bulshada dhexdeeda.