Horumarka Siyaasadda iyo Soomaalida

Aragtiyaha siyaasadeed ee bini-aadamku xambaaraan waa waxa keliya ee ummaddaha qaarna horumariyey qaar kalena hagaasiyey. Aragti siyaasadeed in ay keento horumar iyo dhaxal ay bulsho u aydo waxay ka bilaabantaa hanka sare iyo rabitaanka dhabta ah ee bulsho ama ummad lagu jihaynayo ama loogu adeegayo.

Soomaalida oo ka mid ah ummaddaha siyaasi ahaan hagaasay wakhtigan, waxa qayrkeed ka reebay siyaasi hankiisu aad u hooseeyo, waxa uu doonayaana ay iska kooban tahay. Tusaale ahaan, haddii aynu si kooban wax uga tilmaano hiigsiga siyaasiga soomaaliyeed ee wakhtigan waxaynu ka xusi karnaa kuwan.

Hanka siyaasadeed ee badanka siyaasiga Hargeysa jooga ma dhaafin wax iska celin, muuqasho iyo xoolo raadis. Hankiisuna weli ma gaadhin in uu hammi ummaddeed xambaaro. Markhaati kale uma baahna, Somaliland waxay dawlad tahay oo xasiloon tahay 30 sanno, ha yeeshee, dadka reer Somaliland weli waxay la yihiin baahiyihii aasaasiga u ahaa nolosha oo biyaha iyo caafimaadku ugu horeeyaan. Dabcan, muddo sodon sanno ah waxba lagama qaban karin waayin baahiyaha aasaasiga u ah nolosha, laakiin rabitaankii dhabta ahaa ee wax lagaga qaban lahaa arrimahan baan meesha oolin iyada oo ay ugu wacan tahay hankaa liita ee siyaasiga.

Sidaas oo kale hanka siyaasadeed ee siyaasiga Muqdisho joogaa weli ma dhaafin kursi raadis iyo xoolo jacayl. Ha u malayn in Muqdisho la nabadayn kari waayey muddo ku siman 30 sanno, nasiib darro waa siyaasiga reer Muqdisho oo hankiisu naftiisa aanu dhaafin, danna aan ka lahayn bulshadda maalin kasta agtiisa lagu xasuuqo ee soddonkaa sanno murugada iyo rajo la’aanta weheshaday, isla markaana Afrikaanka iyo adduunkii kaleba isugu habar wacdeen baylahdaa bannaanka taal.

Sidaa si la mid ah, hanka siyaasadeed ee siyaasiga Garowe jooga weli ma dhaafin in uu shidhka u galo siyaasadda soomaalida, haddii uu waayona uu walaaqo. Ha yeeshee, dadka uu metelaa soomaalida bay kala mid yihiin adeeg la’aanta dawladeed oo ay aasaasiyaadkii ugu horeeyaan, haddii uu shidhka ku jiro iyo haddii kaleba.

Sidaa awgeed, weli hanka siyaasiga soomaaligu muu gaadhin inuu xambaaro masiir ummaddeed ama uu yeesho han sare oo uu kula tartami karo ummaddaha adduunka ku nool ama ummaddiisa si dhab ah ugu meteli karo.

Sidaa darted, hankaa liita ee siyaasiga soomaaliyeed baa ah caqabadda ugu weyn ee aanay soomaalidu wakhtigan horumar uga samayn karin siyaasadda. Horumarka, dawladnimadda iyo wax kasta oo la hiigsanayaa waxay ka bilaabmaan rabitaanka, wixii la rabona jidkiisaa la maraa. Siyaasiyiinta soomaalida badankoodu waxay xaqiijiyeen oo gaadheen wixii ay rabeen oo ku kooban kursi, lacag, wax iska celin, muuqasho iwm. Mayse xaqiijin horumar iyo dawladnimo toona, sababta oo ah waanay doonayn.

Maalinta hanka siyaasiga soomaaliga ahi gaadho in uu siyaasadda ummad ama dal ku metelo, maalintaas bay malaayiinka soomaalida ahi ku riyoon karaan ama rajo ka qabi karaan nolol horumarsan iyo adeeg dawladeed.

POSTED BY: Mukhtar Haji Cabaydh

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap