Hoggaamiye Xirsi: “Haddii aad Muuse ku hugowdeen, Cabdiraxmaan ku hungoobi maysaan ee nala tijaabiya”

HARGEYSA – (WARSOOR) – Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ugu baaqay reer Gebilay in ay u coderyaan doorashada Madaxtooyada ee soo socota, waxaany ballan qaafay in ay xisbi ahaan ka shaqeyn doonaa Gobolnimada gebilay.

Hoggaamiye Xirsi oo ka hadlayey munaasibad Xisbiga Waddani ku soo dhawaynayey aqoonyahanno reer Gebilay ah oo ku biiray, ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in haddii reer Gebilay ku hungoobeen Muuse Biixi, aanay ku hungoobi doonin Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu yidhi “Qodobka 12aad ee xeerka Gobolada iyo Degmooyinku wuxu tilmaamaya sida loo qiimaynayo gobollada. Markaa qiimayntii noocaa ahayd ee Gebilay way la habsaantay xukuumaddu oo may samayn. 2019 kii ayaa kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyey xeerkan intii xukuumaddan Muuse joogtay, waxana ku xusan gobollada rasmiga ah ee dalku inay yihiin 6da gobol ee horaba u jiray. Ciddii wax ka qaban lahaydna waa xukuumdda.haddii ay reer Gabilay noo yimaaddeen oo dhaheen wax aan ka beddelno, annaguna aan aqbalnay oo aanu nidhi “Reer Gabilayow doorta Cabdiraxmaan” isna uu yidhi “waan ku dhiirranayaa haddii Muuse ku dhiirran waayay” wixii kale aan intaa ahayn waa warwareeg.

Isla xeerkaa waxa ku qoran laba sannadood gudahood waa inay xukuumaddu qiimayn ku samaysaa degmooyinka (& (C), kumana ay samayn. Markaa, gebilay oo keliya maaha ee degmooyinka oo dhan ayaa la hagraday, waana shaqadoodii oo ay ka gaabiyeen, Waddani ayaana fulin doona, insha allaah.

Qodobka kale, Doorashadii 2017 laba qodob ayaan isku darnay haddi aan Waddani nahay, oo kala ahaa: inaan Campaign Manager ka dhigay Xamse Khayre oo ah nin dhallinyar oo aqoonyahan ah iyo xaruntii Campaign ka oo aanu nidhi Gebilay ha laga dhigo. Ujeeddadu waxay ahayd inuu jiro dareen bulsho, oo Muuse ka olaleeyo Oodweyne iyo wixii la hal maala, Cabdiraxmaan na ka olaleeyo Gebilay iyo wixii la hal maala, si dareen wax wada lahaansho u jiro.

Kii noocaas ahaa waxa lagu beddelay Olole qabyaaladaysan oo dadka lagu abuulay, dareen qaldanna la geliyay ilaa la gaadhsiiyay in Jaamacadda Tima-cadde oo ah astaantii qabyaalad-diidka soomaali meel ay joogaanba, qabyaalad lagaga dhex olaleeyo. Waa qalad lagala daba tegay Marxuumkaa oo magiciisii hoos loogu dhigay. Sidaas oo kale ayaana Gebilay iyo waxii ay mudnaydna hoos loogu dhigay.

Waxaan leeyahay reer Gebilay, idinka ayuu idin ku xidhan yaha codkiinnu, dadkuna wuu idiin siman yahay. Haddii aad codkiinna hore u bixiseen, maantana sidii iyo si ka fiican u bixiya.