Hoggaamiye indhaha caalamka soo jiitay markii uu dalkiisa ku dhaqay shareecada Islaamka


Brunei – (warsoor) – Dalka Brunei ayaa si weyn looga hadal hayay caalamka kaddib markii dalkaasi lagu soo roggay ku dhaqanka shareecada Islaamka islamarkaasna la ciqaabayo ciddii geysata dambiyada sida Sinada balse weli waxaa halkaasi ka taagan aamusnaan, sida uu ku warramayo weriyaha BBC Jonathan Head .

Caasimadda Brunei, waa Bandar Seri Bagawan, waa magaalo xasiloon, waxaana ku yaalla misaajido waaweyn oo lagu xardhay qoraallo luqadda carabiga ah oo dhaldhalaya, waxaana sidoo kale lagu arkaya waddooyika magaalada sawirka hoggaamiyaha dalkaas, Suldaan Xasan Al Bolkiah.

Dalkan waxaa uu ka mid yahay dalalka yar ee weli uu ku haray nidaamka ku saleysan dhaxaltooyada maamulka ee adduunka, Suldaanka waxaa uu awood ku leeyahay baarlamaanka dalkaas.

Suldaan Xasan Al Bolkiah hadda waxaa uu isku hayaa jagooyinka kala ah, Ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka gaashaadhigga, wasiirka maaliyadda iyo hoggaamiyaha arrimaha islaamka dalka Brunei.

Hadalkiisa ayaa sharci ka ah dalkaasi oo ah in lagu dhaqmo.

Diinta Islaamka

Brunei waxaa guumeystay Ingiriiska tan iyo sannadkii 1984-tii, markii uu dalka xoriyadda qaatay waxaa looga dhawaaqay mabaadii’da Islaamiga ah ee ku saleysan nidaamkii dhaxaltooyada maamulka ee qowmiyadda Malay.

Dadka reer Brunei, waxaa dhaqan u ah ‘ilaalinta luqadda Malay, dhaqanka iyo caadooyinka bulshadaas, ku dhaqanka shareecada islaamka, qiyamka nidaamka dhaxaltooyada maamulka.

Tan iyo markii uu dalkan xoriyadda qaatay, Suldaanka Brunei waxaa uu dalka u jiheeyay nidaamka ah ilaalinta iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.

Dominik Mueller oo ah khabiir ka faalooda arrimaha islaamka koonfur bari qaaradda Aasiya kana howlgala macadka barashada cilmiga bulshada ee Halle ee ku yaalla Jarmalka si dhawna ula socday xaaladda Brunei ayaa yiri sidatan, “Suldaanka wuxuu si joogta ah dalka uga dhaqangeliyay shareecada islaamka saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, gaar ahaan markii ugu horreesyay uu xajka tegay sannadkii 1987-kii, waxaa uu dhowr jeer soo saaray shuruuc adag oo oo waafaqsan shareecada islaamka”.

Muelller waxaa uu intaas ku daray ‘arrintani wxay si gaar ahaaneed uu dabada uga riixayo Suldaanka balse waxaa sidoo kale uu u arkaa in loo baahan yahay nidaam siyaasadeed oo u horseedi karo inuu sii ambaaqado dowlad Islaami ah xilli ay soo wajaheyso mucaarado Islaami ah oo su’aal gelin karta nidaamka dhaxltooyada ee maamulkiisa’

Dalka Brunei, looma ogolo inay ka howlgalaan mucaaradka iyo dadka madaxabannaan ee u doodo bulshada rayidka tan iyo markii uu xoriyadda dalkaas qaatay, waxaa dalka ka taagan xaalad degdeg ah tan iyo sannadkii 1962-dii taas oo mamnuuceysa xoriyatul qowlka.

Milatariga Suudaan “waa qasab in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka”

Haweeney Muslin ah oo taageero ku heshay sawir ay la gashay kooxaha Islaamka neceb

Warbaahinta xorta ah ee dalkan looma ogolo inay wararka tebiyaan halka warbaahinta loo arko inay baalmarayaan xeerka lagu xannibayo albaabada laisugu dhufto, sida lagu sameeyay wargeyska Brunei Times sannadkii 2016-kii.

Waxaa adag in weriyo uu booqdo dalkaasi, dadka waxay ku wanaagsan yihiin soo dhaweynta iyo caawinta martida, balse waxaa adag in aad ka dhaadhiciso inay ka war bixiyaan arrimaha ku saabsan sharciga islaamka ee dalkaas lagu soo roggay.

Dadka waxay ka walaacsanayeen la kulanka koox ka socotay BBC, dowladda wax jawaab ah kama aysan bixin cosdsiyo dhowr ah oo aan u gudbinay.

Xaaladda Nolosha

Koox ka tirsan muslimiinta dalkan oo aan kula kulanay misaajidka weyn ee Al-Safiyuddiin ayaa inoo sheegay in arrintani ay ka hadli karaan oo kaliya ah mas’uliyiinta jagooyinka ka hayo dalkaas.

Dhaqaalaha Brunei ayaa hoos u dhacay, shaqo la’aanta dhalinyarada waa middii ugu darneyd ee ku habsata dalkaas, xilli ay meesha ka baxday shaqooyinkii dowladda.

Inkasta oo aanan war laga heyn, dowladda waxay wadaa barnaamij loogu magac daray higsiga sannadka 2035-ka kaas oo lagu wado in Brunei ay ku ballaariso wax soo saarka iyo ku tiirsanaanta gaaska dabiiciga ah iyo batroolka.

Waa xilli duhur ah oo la joogo maalin Jimca ah, waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Bandar Seri Bagawan waa ay maran yihiin, xilli dadka ay aadeen misaajidada, waxaa albaabada laisugu dhuftay iskuulada iyo xafiisyada.

Markii la gaaray habeenka Sabtida, qaar kamid ah dadweynaha Brunei waxay ka taallabeen xadka Malaysia si ay ugu soo caweeyaan halkaasi, waxay u raadsadaan sigaarka, khamriga iyo heesaha oo aanan laga ogoleyn dalkooda.

Halkan waa magaalada Limbang oo ku taalla dhinaca Malaysia, huteelada iyo goobaha lagu caweeyo halkan wa ay buux dhaafeen, waxaana halkan la dhigay baabuur lagu arkayo taarikada dalka Brunei.

Mid kamid ah, goobta waxaan kula kulanay, koox aanan muslim aheyn oo ku caweynaya halkan.

Waxaan weydiyay in noloshooda ay saameyn ku yeelatay shareecada islaamka lagu soo roggay Brunei? Waxay ii sheegeen in si xor ah halkan ay u yimaadaan isla markaasna nolol wanaagsan ay ku heystaan Brunei.

Xigasho: BBC Somali




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.