Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani oo si rasmi ah u shaaciyey inuu u tartamayo Guddoomiyaha Xisbigaasi

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani, ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu u tartamayo Guddoomiyaha Xisbigaasi, oo dhawaan lagu dooran dooro sbirweynaha Xisbiga ee ka qabsoomaya Hargeysa.

Hoggaamiye Xirsi oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbiga Waddani, ayaa sheegay inuu aamisan yahay inuu ku haboon yahay hoggaaminta Xisbiga Waddani, waxaanu yidhi

“Waxa aan shaacinaya in aan Musharrax u ahay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo aan hogaamiyo Xisbiga haddii la ii garto, waxa aan aaminsanahay in aan ku habboonahay hoggaaminta Xisbiga aqoon ahaan iyo waayo aragnimo ahaan ba,” hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan