Heego muuqdheer – Hadraawi

Heesta waxa tiriyey Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”. Wuxuu dhawaan ka akhriyey mar kale bandhig faneedkii “Mooge” ee ka dhacay Hargeysa xagaagii sannadka 2009.

Is helloo gabadhii is heli-mayno
Huminnoo taladii hunsami weyday
Halyeynimadayda kuma hadhin
Hayntayda yaraatay bay hagratay
Dan baa ka hor timi heshiiskii
Hoh iyo caku heegantaydii

Hilowga arradan bir baan ku hiloo
Kashaydu hubaal ma heellana
Hengel baan ka sitaa haween dumar
Markaan ku hungoobay baan huray
Haankiyo wadnahaa biyaa habaya
Hantaaqo i gaadhay baan la hurday
Huq iyo ma filayn hayaan kedisa
Hayeeshe hayaaydi baa badatay
Hammiga kalgacaylku waa habaqle
Hed iyo waa dabayl hab soo tidhi
Hiyigii lingaxnaa ma huriyeen
Ma halabsaday geenyadii Hudi

Hindisaa wax kalaan halkawgu socdee
Hurintaan weheshaan ka hadhiwaayay
Codkiyo hugunkaa isoo hagay
Hoosaasada mayla hiishaday
Haasaasaha muuqda hirigooda
Caawana hambadaydu waa halis

Horyaalka da’day hadhuub la dhantaay
Hiddiyo dhaqan baad hagoogantahoo
Waxaad huwantahay hugii sharafka
Sidaad u habaysay heensaha
Hadoodilka muuqa higilkaaga
Haldhaaga sidiisa hooshaarka
Hilbaha kugu yaalla heemaalka
Hanqalkaad la kacdiyo hubkaad sidato
Hab-joogga timaa hal-qooqa leh
Hufnaanta xishoodka aad hogatay
Hawaarta ku saaran heeraarta
Hilqadaa boqorkiyo hariiryaha
Habuurka, udgoonka, soo haarka,
Sidii hayin haamo culus sida
Hubsiino dhaqaaqa hanashada
Hormaynta hannaanka laafyaha
Hal qaadka tallaabadaad hollatay
Lugtaad hakisaan hoggaansamay!

Dhul habatacay ciidda oo hodantay
Dhirtoo hamashowday doog hadhsaday
Xareed hilo iyo harooyin degtay
Hantidoo dhashay deyladoo horratay
Haleello maqasheeda heel ku furtay
Horweyno ku foofay meel hadow leh
Haloosiga baarqab hoobala
Higtiisa higgaadda dhiillada
Haadkii diday keenay hoosiis
Hibaaq ka dhalaalay Haadaamo
Hareeri ka muuqday Heegaale
Hoobaan ka bislaatay Hawd sare
Dayaxoo himir iyo huruud marsadoo
Caweys ka hinqaday hoggiisii
Horseed la socdiyo hoggaanno wata
Qorraxdoo halabtiyo hillaabta dhigtay
Daruuro ka hooray hoosteeda
Fad iyo hogol loolli habar wacatay
Hillaac iyo heego soo curatay
Sidii hir fog baan ku soo higsadoo
Indhuhu ku harraade halacdaada

Hubsiinadu way hagaagsantahee
Hadhow iyo mooyi hawlo danbee
Horjooggaagu heello igu dhali..

Hugiyo dharku haybta waa ka badh
Hablihii kacay qaar hawaa lumisoo
Xilkii hooyo way ka heermeen
Hummaagay run moodayaan hodaya
Hebliyo hebla hiil ka sugimaayee
Hankaagu ka weyn hinaasaha
Waxaad haysataa jidkii hore
Sidaan hubo waad hal adag-tahay
Hambalyaan kugu siiyay hirashada

Hawraar murtiyeedda hadalkayga
Waxaan hidiyaaba waa hees
Hortaada, gadaal, hareeraha
Hibaan ku daleeyay hilinkaaga
Habeenkaagu waa mid hooda leh
Ku hoyo nabad Heego-Muuq-Dheer

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.