Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Xeerarka Hagayaasha Iyo Siyaasadda Ee Lagu Dhaqi Doono Shaqaalaha Dawladda

“Waxaynu Ku Soo Wada Shaqaynaynay  Wasaaraddaha Iyo Hay’addaha Kala Duwan Ee Qaranka Somaliland Loogu Shaqaynaayey Male Iyo Odayeyn Maanta Waxaynu U Wada Joogna Iyada Oo La Dhamaystiray In 16 Siyaasaddood Iyo Hayagaal Lagu Dhaqi Doono Shaqaalaha Dawladda…..” md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

Hargeysa – (warsoor) – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa soo bandhigtay Xeerarka Hagayaasha iyo Siyaasadda lagu dhaqi doono Shaqaalaha Dawladda oo intii Somaliland jirtay markii 1aad hay’adda shaqaaluhu ku guulaystay sameynta xeerarkani iyada oo   mudo 2 sanno  wakhti ku siman sameynta Xeerarkani iyo dhamystirkooda ay hay’adda shaqaaluhu ku hawlaneyd kuna guulaysatay hirgelinta Xeerarkani muhiimka u ah qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha Hay’addda Shaqaalaha Dawladda Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ay weheliyaan Madaxda Hay’adda shaqaalaha, Macadka  Dawladda (CSI), ayaa  shalay si rasmi ah u soo bandhigtay inay dhamaystireen Qorshaha Siyaasadda iyo Hagayaasha kala kaxamaynaaya shaqaalaha dawladda ee nidaamka shaqo gelinta, shaqo ka saarista , dalacsiinta  iyo  nidaaminta shaqaalaha kala duwan ee dawladda Somaliland lagu dhaqi doono  ay noqon doonaan xeerarkani, waxaana Guddoomiye Sharmarke Geelle iyo madaxdii kale ee kulankaasi ka soo qaybgalay sharaxeen muhiimada  baahida xeerarkani shaqaalaha dawladda lagu dhaqi doono u leeyihiin qaranka Somaliland iyo xuuqaha ka maqnaa ee shaqaaluhu ku heli doonaan unkida hagayaasha siyaasadda shaqaalaha dawladda.

Aqoonyahan Cabdi Aadan Diiriye “Horta marka hore aad ayaanu ugu faraxsanahay in hawl mudo 2 sanno ah la soo waday ay gebo gebadii ku soo dhawaato odhan kari mayno hawshii way soo dhamaatay, laakiin siyaasaddo badan ayaa la sameeyey oo mashruucan dib u habaynta siyaasadda shaqaalaha dawladda ee ay iska kaashadaan dawladda Somaliland oo ay wakiil uga tahay hay’adda shaqaalaha iyo Bangiga aduunka, qayb ka mida ayaa waxa ku jirta in saro loo qaado  ama la sameeyo siyaasaddaha iyo sharciyadda la xidhiidha cududa shaqaalaha dawladda ee ah siyaasadda shaqaalaha lagu maamulaayey , tana qayb ka mida  mashruuca ayuumbay ka mid tahay iyo waajibaad markii horeba saarna inay qabato, wuxuumbaan odhanlahaa sababta ugu wayn ee aynu u baahanahay in aynu helo siyaasaddo iyo hagayaal lagu shaqeeyo horta maxay tahay ? mar 2aad way ku mahadsan yihiin kooxdan naga la shaqaysay sameynta intaasi oo siyaasaddood iyo hagayaal nagu caawiyey, waxa kale oo mahada iska leh hay’adda shaqaalaha guddoomiyahooda oo isna go’aan iyo ku dhiirasho badan hayey si hawshani u hirgasho”

Agaasimaha Machadka Waxbarashadda Dawladda Somaliland ee  (CSI) Guuleed Hagoog oo isaguna halka ka hadlay waxa uu yidhi “Anigu waxaan raba in aan laba qodob uun wax ka taabto faa’iidada sameynta xeerarkan iyo  siyaasaddahan lagu dhaqi doono shaqaalaha dawladda Somaliland waa laga soo sheekeeyey, laakiin, waxaan raba in aan laba qodob uun ta taabto qodob waxa weeye horta hawshani waxay faa’iido u leedahay qaranka , sababta ugu way nee ay ugu leedahay waxa weeyaan waxay abuuraysa nidaam shaqo abuur oo baanaanyaal ah oo qofkii shada ku haboona in uu qabto , taasi oo hirgelin doonta inay shaqada tayadeediina fiicnaato , waxqabadkeediina kor u kaco , marka saameyn toos ah iyo mid dadbanba waxay ku yeelanaysa horumarka iyo dhaqaalaha qaranka , hawshani waxa kale oo ay faa’iido u leedahay oo culayska naga qaadaysa shaqo la’aanta baahsan ee qarankan ka jirta”

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ugu dambeyntii isaguna halka ka hadlay waxa uu bogaadiyey cid kasta oo dhinacyaddii hawshani kala shaqeeyey ee  gaadhiisiyey  inay siyaasaddahan iyo hagayaashan shaqaalaha qaranka Somalialnd lagu dhaqli doona hirgalaan waxaanu yidhi “Shaqaalaha dawladda ee Somaliland halka uu maraayo iyo halka uu ka soo bilaabmay mudo dheer waxaynu ku soo wada shaqaynaynay ama wasaaraddaha iyo hay’addaha kala duwan ee qaranka Somaliland loogu shaqaynaayey male iyo odayeyn iyo runtii xal kolba siday u la eekaato oo xeer iyo xuquuq iyo siyaasad iyo hanaan iyo hagayaal midna ma jirin , waxaynu ahayn mudada inta leeg in aynu ku shaqaynaynay dad isku soo dhawayn iyo siday xaaladu u eeg tahay iyo kolba marka la jabo sidaynu u dhutinaa ka tashana, maanta laakiin waxaynu u wada joogna iyada oo la dhamaystiray in 16 Siyaasaddood iyo Hayagaal ah lagu dhaqo shaqaalaha dawladda Somaliland, waa hadii shaqaaluhu horumar sheegaayo side, hadii uu anshax doonaayo shaqo wanaaga aynu ka filaynaa waa noocma”

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle uu inta ku daray “Hadii uu qofka shaqaalaha ahi cadhoodo ama uu gadoodo oo cabasho iyo tabasho qabo hanaankee ayuu u soo gudbinayaa , side shaqaaluhu u garnaqsanayaa, side loo fasaxayaa , siduu u dalacayaa , side uu u horumarayaa , side qofka shaqaalaha ahi hadii uu qaldamo loo saxayaa , hadii uu caadayste noqdo side shaqada looga saarayaa , side tababaradda uu Machadka shaqaalaha dawladda uu ka qaata ay saameyn ugu leeyihiin in uu shaqadiisa ku dhex dalaco , side ayaanu qofka shaqaalaha dawladdeed ah aanu wasiir iyo agaasime iskaga Eryi karin , side ayaanu wasiir iyo agaasime qofka uu doonana aanu xil uga qaadin ka uu doonaan aanu ugu magacaabin , side ayaanay xafiisyadda dawladdu qaarna iskaga abuurmin qaarna iskaga baabi’in , qaab dhismeedka shaqaalaha dawladdu side ayey u noqota hanaan iyo nidaam loo soo maro kala jeclaysina aanu ku abuurmin kala necbaysina aanu ku burburin, sida darteed maanta waxaynu halkan ku soo xidhaynaa wax weyn oo qarankan Somaliland muhiim u ah oo Illaahay ina waafajiyey iyada oo wax wayna aynu arki doono iyada oo shaqaalaha dawladdu iska bedeleen, runtiina waxa qofka shaqada jeclaysiiya  waa horumarka u muuqda wanaaga lagu la dhaqmo iyo in rejooyinka la tuso”

Siyaasaddaha iyo Hagayaasha loo sameeyey shaqaale waynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kala ah

  1. Siyaasadda shaqo qorista, Xulashadda  iyo magacaabista shaqaalaha dawladda
  2. Siyaasadda Anshaxa iyo Habdhaqanka wanaaga shaqaalaha dawladda
  3. Siyaasadda iyo Hab-dalacaada, Eryidda iyo Jihaynta shaqaalaha dawladda
  4. Siyaasadda Unkida, Ilaalinta qaab dhismeedka Hay’addaha dawladda.
  5. Siyaasadda Maamulka iyo Anshax Marinta shaqaalaha dawladda
  6. Siyaasadda fasaxaadda shaqaalaha dawladda.
  7. Siyaasadda Maaraynta Xogta shaqaalaha dawladda.
  8. Siyaasadda Maaraynta Cabashadda iyo tabashadda  shaqaalaha dawladda Somaliland.
  9. Siyaasadda hanashadda shaqaalaha Dawladda
  10. Siyaasadda Habka Aasaasida iyo Baabi’inta Xafiisyadda shaqo
  11. Hagaha Qiimaynta iyo Abaalmarinta shaqaalaha dawladda Somaliland .
  12. Hagaha Kartidda iyo Kaalinta shaqo
  13. Hagaha Tilmaamida iyo Tusaalaynta kaalmaha shaqo.
  14. Hagaha Tababarka iyo Tayeynta shaqaalaha dawladda
  15. Hagaha Hanaanka Koboca iyo Horumarka shaqaalaha dawladda.
  16. Hagaha qorshaha  Carbinta  iyo ilaalinta shaqaalaha  dawladda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.