Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Tiradda Shaqaalihii Cusub ee la Qaadatay

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa soo bandhigay inay guul ugu soo dhamaatay shaqadii  wajiga 1aad shaqaalaysiinta ay Dawladdu guud ahaan dhamaan goboladda dalka kaga wada qaadatay shaqaalaha 300 qof ee wiilasha iyo Gabdhaha aqoonyahanka muwaadiniinta ah iskugu jiray, waxaanu guddoomiye Sharmarke Geelle inay haya’adda shaqaaluhu sido kale bilaabayso tababaro loo qaban doono 300 qof ee shaqaalaha cusub oo noqon doona tababaro lagu tayeynaayo iyo in waliba wasaaradaha iyo hay’addaha dawladda ee baahida u qaba sidii ay u soo kala codsadaan loogu qaybin doono  shaqaalahaasi cusub.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa isaga oo ka waramaayey inay hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland ku guulaysatay bilawga shaqaalihii cusba ee dawladu ay Goboladda dalka gobol kasta 50 aqoonyahan Tartanka Imtixaanka loo galay kaga qaadatay iyada oo guddoomiye sharmarka Geelle hoosta ka xariiqay in 300 boqol ee shaqaalaha cusub ee dawladdu qaadatay dhamaantood dhalinyarta iyo aqoonyahanka reer Somaliland ee goboladda dalka ku kala sugani kaga qaybgaleen Imtixaano Tartano oo daahfuran qof kastana si caddaalad ah uu nasiib kiisa uga qaaday in uu nasiibkiisa iyo aqoontiisa tijaabiyo si uu iskugu dayo sidii uu ugu soo baxo shaqooyinka dawladdu qaadatay balse intii dedaalka la timid ee nasiibkuna saaciday ay calfatay inay ka mid noqdaan 300 boqol ee shaqaalaha cusub ee dawladdu gobolada dalka ka qaadatay.

md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ka hadlaayye inay si habsami iyo caddaalada hay’adda shaqaalaha dawladdu gobolada dalka uga qaadatay shaqaale cusub oo gaadhaya 300 qof oo aqoonyahanka iyo dayarta reer Somaliland ee muwaadiniinta wiilal iyo gabdhaha iskugu jira waxaana hadalka guddoomiyaha oo qoraal ahi u dhignaa sidan.

Illaahay Fadligii waxaa si habsami ah u soo dhammaaday tartamadii Gobolada waxaana si hufan u soo guulaystay 300 oo tartame.

– Guulaysteyaashan ayaa isugu jira 210 wiil iyo 90 gabdhood kuwaas oo kasoo dhex baxay tartamadii dhawaan ka qabsoomay gobolada kala duwan ee dalka iyaga oo fursad u helay in ay qayb ka noqdaan guul taariikhi ah oo guud ahaan dalku ka gaadhay dhinaca dib-u-habaynta hannaanka shaqaalaynta Dawladda.

– Maalmahan hadii Alle Idmo waxaa gobolada ka bilaabmi doonna tababarada indho-furka shaqaalaha cusub “Induction training” iyo in guulayste walba lagu qoro Wasaarad/Hay’adda Dawladeed ee uu aqoonteeda leeyahay.

– Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa dhawaan soo baahin doonta jadwalka tababarada iyo sida goboladu u kala qaadan doonnaan iyada oo gobol walba halkiisa lagu siin doonno tababarka iyo shaqo-qaybinta hadii Alle Idmo. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.