Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa imtixaan ka qaadday xubno kamid noqon doona xidhiidhiye yaasha gudida xanuunka covid 19

Solna (Hargeysa)-Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa imtixaan ka qaadday xubno kamid noqon doona xidhiidhiye yaasha gudida xanuunka covid 19 ee gobolada Maroodijeex, Awdal, iyo Togdheer.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo goobta xubnaha imtixaanka lagaga qaadayay goobjoog ka ahaa ayaa xubnahaasi u rajeeyay guul isagoo ku hambalyeeyay ka qaybgalka imtixaanka. Waxana uu ballan qaaday inay si cadaalad ah kusoo bixi doonaan cidii guulaysata.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la dhaariyay gudida kala saaraysa tartamayaasha u fadhiistay imtixaankaasi.