Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Tababar U Furtay Shaqaalaha Nadaafada Oo Aan Waligood Tababar Helin

Hargeysa – (warsoor) – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa tababar aqooneed loo qabtay Shaqaale hoosaadka Nadiifiyayaasha ee Haweenka Xafiisyadda Dawladda ee Somaliland ka hawlgala kuwaasi oo aqoon korodhsi loo sameeyey.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda shaqaalaha Somaliland C/kariin Maxamed, ayaa Magaaladda Hargeysa ugu furay  Tababar aqooneed la siinaayo qaar ka mida shaqaale hoosaadka Xafiisyadda Dawladda kuwaasi oo la bari doono aqoon korodhsi shaqadooda la xidhiidha inta uu tababarkan oo ay bixinayaan barayaal aqoontani iyo xirfada ay dadkani ku shaqeeyaan bari doona.

Waxaana ujeedka kulan aqooneedkan iyo dadka wax lagu baraayo oo faahfaahsan ay hay’adda shaqaalaha oo sharaxaad ka bixinaysa qoraalkeedu u dhignaa sidan.

– Shaqaalaha ka hawl-gala bilicda iyo nadaafada xafiisyada Dawladda JSL ayaa loo qabtay kulan hawleed kor loogu qaadayo xirfadooda iyo farsamooyinka ay ku shaqeeyaan

– Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii la ogaaday in marnaba tan iyo intii ay shaqada bilaabeen aanay helin tilmaam iyo xirfad-kordhin marnaba

– Tababarkan ayaa inta uu socdo laga dhisi doonnaa dhinacyo kala duwan oo kaabi kara xirfadooda shaqo iyada oo sida oo kale-na tilmaam laga siin doonno sida loo nadiifiyo xafiisyada xasaasiga ah iyo hannaanka waraaqaha muhiimka ah looga ilaaliyo in la dayaco ama daadiyo xiliga nadaafadu socoto

– Ka sakow tababarka, Shaqaale hawleedka qaybta nadaafada ayaa kulankani u yahay qiimayn iyo qadarin u gaar ah oo ay mudan yihiin in ay helaan sida cid walba u hesho kulamo iyo kocbcin intaba.

-Shaqaale hawleedka Dawladda ayaa ah kuwa haya shaqada ugu hawsha badan isla markaana waxaa hubaal in ay mudan yihiin habayn, haybad iyo hayn-kordhin intaba. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.