Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Soo Gebo Gebaysay Diwaangelinta Shaqaalaha Maxkamaddaha Hoose Iyo Sare Kulana La Yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Hargeysa – (warsoor) – Hay’adda Shaqaalaha ee Dawladda Somaliland oo gacanta ku haysa diwaangelinta shaqaalaha dawladda, ayaa soo gebo gebaysay diwaangelinta iyo madaxtaabashadda diiwaangelinta shaqaalaha Maxkamadaha hoose iyo Sarre ee dalka isla markaana  Gudoomiyaha Maxkamada sarre kulan gaara la qaatay.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha DawladdaSomaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa maanta waxa uu faahfaahin ka bixiyey inay hay’adda uu madaxda ka yahay soo gebo gebaysay Madax taabashadda iyo Diwaangelinta Shaqaalaha kala duwan ee Waaxda Garsoorka gaar ahaan Maxkmaddaha Hoose iyo Sare isla markanaa ay kulan xog waran ah la yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo ay Xafiiskiisa ku booqdeen masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee hawlgalka Madax taabashadda iyo tirinta shaqaalaha dawladda dalka Somaliland ka wada.

md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle faahfaahinaayey inay soo gebo gebeeyeen diwaangelinta Shaqaalaha Maxkamaddaha Hoose iyo Maxkamadda Sare ee Somaliland waxa uu ku yidhi qoraalkiisa.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo Mudooyinkii u dambeysay ku hawlanayd diiwaangelinta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda, ayaa kulan la yeelatay gudoomiyaha Maxkamadda sare Somaliland ee dalka Md. Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed

– Intii kulanku socday waxaanu gudoomiyaha uga mahadcelinay gacantii wanaagsanayd ee uu ka gaystay intii lagu jiray diiwaangelinta shaqaalaha maxkamadaha hoose (degmada, gobolka iyo racfaanka) iyo maxkamada sare ee dalka

– Shaqaalaha ka hawlgala Maxkamaddaha hoose iyo Maxkamada sare ayaa marka laga reebo garsoorayaasha iyo xeer-ilaliyeyaasha ah shaqaale dawladeed “Civil Service” kuwaas oo lagu dhaqo Sharciga shaqaalaha dawladda Sharci Lam. 7/96

– Gudoomiyaha ayaa dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay hawl-qabadka tirinta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda isagoona tilmaamay qiimaha ay leedahay in la helo shaqaale tartan furan shaqada ku soo gala isla markaana tayo sare la gaadhsiiyo taasina ay horseedi karto in ay adeeg hufan shacabka gaadhsiiyaan.

– In shacabku dalku helaan caddaalad sharci, shaqo iyo u sinnaan khayraad waa hiigsiga iyo halbeegga kaliya ee dal u daadihin kara horumar iyo kaalin la mahadiyo.

– Illaahay fadligii waxaa soo dhammaaday diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ee ku sugan xarumaha dhexe iyadoona imika gacanta lagu hayo shaqaalaha hoos yimaada gobolka Maroodijeex, Insha Allah-na dhawaan gobol kale laga bilaabi doonno.

.Waxaa soo bidhaamaya bilowga shaqaale sharaf leh, adeeg raaligelin leh iyo shaqo shuruud leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

.Waxaa soo bidhaamaya bilowga shaqaale sharaf leh, adeeg raaligelin leh iyo shaqo shuruud leh