Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Shaacisay Dhamaystirka Dhegaysiga Shaqaale Codsi & Cabasho Qabtay Hore U Soo Gaadhsiiyey

Hargeysa – (warsoor) – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland oo dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqday dhamaystirka Mashruucii diwaangelinta madaxtaabashadda shaqaalaha hay’addaha dawladda Somaliland ee goboladda iyo Degmooyinka dalka lagu soo diwaangeliyey, ayaa shaacisay inay mar kale dhamaystireen wixii shaqaalaha Dawladda Somaliland ee cabasho ee hore ugu u soo gudbiyey iyo dhaqan-gelinta go’aamo adag iyo qorshaynta Kaalamaha shaqo ee soo baxa.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo masuuliyiinta & Saraakiisha  kale ee Hay’adda shaqaalaha dawladda, ayaa kulan ay Xaruntooda Hargeysa ku qabteen waxay ku dhawaaqeen inay hay’adda shaqaaluhu dhamaystirtay shaqo ay usbuucyadii u dambeeyey gacanta ku hayeen oo ahaa wixii  codsiyo ama cabasho soo gaadhay xafiiskooda qaar ka mida  shaqaalaha dawladdu soo gaadhsiiyeen intii ay socotay lana soo afjaray arintaasi iyada oo dhinaca kale hay’adda shaqaaluhu dejisay qorshaha iyo hanaanka loo buuxin doono kaalmaha shaqo ee soo baxa ama goobaha lagu baahin doono tartanka furan.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo qoraal oo ka soo saaray  dhamaystirka hawlihii shaqo ee hay’addoodu mudooyinkii u dambeeyey ee dhegaysiga wixii codsi ama cabasho hay’addooda qaar ka mida shaqaalaha dawladdu soo gaadhsiiyeen iyo dhaqangelinta go’aamo kaalmaha banaanaada ee shaqogelinta khuseeya ay ku diyaariyeen waxa uu yidhi.

Dhamaystirka Dhegaysiga intii Codsi ama Cabasho qabtay, Dhaqan-gelinta go’aamo adag iyo Qorshaynta Kaalmaha Shaqo ee soo Baxa.

– Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa mudooyinkii u dambeeyey ururinaysay shaqaalaha dawladda ee codsi ama cabasho ka qabay intii ay socotay diiwaangelintii shaqaalaha dawladdu, halkaas oo hay’addaha dawaladda lagu wareejiyey shuruudaha loogu tixgelin karo qofka fasaxyada qaybahiisa kala duwan ku maqnaa.

– Waxa sida oo kale la isla eegayey hannaanka loo buuxin doonno kaalmaha shaqo ee soo baxa iyo goobaha ama gobolada lagu baahin doonno tartamada furan.

– Maalamaha soo socda waxa la dhaqan-gelin doonnaa go’aamada shaqo ka saarida intii la soo waayey iyo bilowga tayeyntii shaqaalaha kuwaas oo noqon doonna go’aamo dalka iyo dadka waxtar u yeelan donna.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.