Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Hanbalyaysay Shaqaalaha Dawladda Maalinta Dhalashada Nabiga Awgeed

Hargeysa – (WARSOOR) – Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa ku wargelisay dhammaan shaqaalaha dawladda inay fasax ka yihiin shaqooyinka ay qaranka u hayaan maalinta berrri ah oo bishu ay tahay 18.10.2021, munaasibadda dhalashada Rasuulka ee sannadka 1443 awgeed.

War qoraal ah oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Khaalid Jaamac Qodax, soona gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa u dhignay sidan:-

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladdu isagoo tixraacaya qodobka 34aad ee xeerka shaqaalaaha dawladda iyo jadwalka maalmaha fasaxyada qaranka, wuxuu ku wargelinayaa dhammaan mas’uuliyinta wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah in shaqaalaha dawladdu ay fasax ka yihiin shaqada maalinta Isiniinta ah, oo ah dhalashii Nabiga NNKH ee bisha Rabiicul Awa lee 12.03.1443 ee Hijriya oo ku beegan 18.10.2021 ee Miilaadiga.

Haddaba, Guddoomiyaha hay’adda shaqaaluhu waxa kale oo uu halkan uga hambalayaynayaa Madaweynaha Jsl iyo madaxweyne ku xigeenka iyo dhammaan shaqaalaha dawladda, xaasaskooda iyo carruurtooda munaasibadda dhalashada Nabigeenii suubaana naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaate.  Waxaana aanu rajaynaynaa inaynu ku gaadhno bishan bisheeda bash bash, badhaadhe iyo nabadgalyo.