Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Oo Bilowdey Diiwaan Gelinta Dufcadii 1aad Ee Ka Baxda Barnaamijka Shaqo Qaran

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan kaydinta xogta ardaydii ducadii kowaad ee ka soo baxday barnaamijka shaqo qaran.

Farxaan Aadan Haybe gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland wuxuu sheegay in ardaydaas oo tiradoodu dhan tahay kun iyo laba boqol iyo saddex xubnood, kuwaas oo hawl-wadeeno ka tirsan hay’adda shaqaalaha dawladu ay ugu tagi doonaan gobolada Somaliland, gudoomiye Farxaan wuxuu sheegay inay ku bilaabi doonaan dhalinyaradii barnaamijka shaqo qaran ee gobolka Maroodi-jeex, iyadoo diiwaan gelintoodu socon doonto lix maal-mood oo ka bilaabi doonaan 16-ka bishan oo ku beegan maalin Axada, kuna eeg 22-ka isla bisha August  ah, taas oo ka bilaabmi doonta xarunta hay’adda shaqaalaha dawlada ee magaalada Hargeysa.

24-ka bisha August ilaa 26-ka bisha waxay ka socon doontaa gobolka Awadal, iyadoo lagu diiwaan gelin doono xafiiska hay’adda shaqaalaha dawladu ku leedahay gobolkaas.

Sidoo kale gudoomiyihu waxa uu intaas ku daray in ay ku xigi doonaan gobolada Togdheer, Saaxil, Sool, iyadoo gobolka u dambeeya oo ah Sannaag ay diiwaan gelinta ardaydaas shaqo qaran ay ka bilaabmi doonto 5-ta September, iyadoo socon doonta illaa 7-da bisha September.

Ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe wuxuu ardayda dufcadii u horaysay ee shaqo-qaran ku adekeeyay goobahaas iska diiwaan geliyaan.