Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland Oo Kaashanaysa Hay’adda Boqor Salamaan Ayaa Deeq Raashin Ah Gudoon Siiyay Saddex Kun Oo Qoys Oo Ku Nool Magaalada Burco

HARGEYSA – (WARSOOR) – Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland, ayaa deeq raashin ah u qaybsay qaar ka mida dadka barkacayaasha ee ku nool maghaalada Burco.

Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama gobolka Toghdeer Maxamed Yuusuf Cabdilaahi, Dadka danyarta ahaa ee raashinkan la gaadhsiiyay ay ahaayeen dadka barakacayaasha ah ee ku yaala kaamamka ku yaala magaalada Burco, kuwaas oo tiradoodu ahayd saddex kun oo qoys, waxaana deeqdaas raashinka ah iska kaashaday hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland iyo hay’adda Boqor Salmaan oo fadhigeedu yahay daka Sucuudiga.

Maxamuud Yuusuf Cali agaasimaha waaxda barokacayaasha ee hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka, isuduwaha hay’addaas ee gobolka Togdheer Cabdikariin Xaashi, Siciid Cabdi Gaboobe oo Somaliland u qaabilsan mashaariicda hay’adda Boqor Salmaan oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in raashinkaasi yahay mid dhamaystiran, kuwaas oo loogu talo galay inay ka faa’iidaystaan dadka barokacayaasha ah ee ku nool gobolka Togdheer, iyadoo qoysaskaas la gaadhsiiyay raashinkaasina ay yihiin kuwo la  soo xulay.

Qaar ka mida dadkii barakacayaasha ahaa ee la gaadhsiiyay raashinkaas ayaa u mahadceliyay hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka iyo hay’adda Boqor Salmaan, waxaanay sheegeen in raashinkaasi ahaa mid ay u baahnaayeen.