Hay’adda Isgaadhsiinta Mobile-ka Dunida (GSMA) oo Guddoomiyaha Telesom ka Waraysatay Adeegga Cusub ee Sarifka Mobilka (M-Exchange)

Claire Scharwatt oo ka tirsan Hay’adda isgaadhsiinta Mobilka ee Dunida (GSMA) ayaa waraysi xiiso badan la yeelatay Guddoomiyaha shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid.
Claire Scharwatt:Adeega Zaad wuxuu ka mid yahay adeegyada lacagta mobilada ee guulaystay marka la eego caalamka oo dhan. Aragti guud ma naga siin kartaa adeegan iyo sida reer Somaliland ula qabsadeen?

Cabdikariim Maxamed Iid: Adeega lacagta mobilku wuxuu qayb ka noqday nolol maalmeedka dadka reer Somaliland, taas oo u ogolaanaysa shaqsiyaadka iyo ganacsatadaba inay lacag si deg dega u diri karaan una helina karaan iyagoon goobta ay ku sugan yihiin wax caqabada ku ahayn.
Adeegan Zaad ayaa isku xidhay bulshada miiga iyo kuwa magaalooyinka degen. Dadka ku nool miiga ayaa ka maarmay inay u safraan magaaladda si ay u soo iibsadaan badeecadaha ay u baahin yihiin bishii. Dadka reer miiga ah ayaa telefoonka ku dalbada waxay u baahan yihiin, waxaanay lacagta ku bixiyaan moobaylkooda. Adeegga ZAAD ayaa noqday mid waxtar weyn u leh bulshadda , waxanay dadku si fiican ula qabsadeen isticmaalkiisa. ZAAD ayaa noqday mid dhaqaalaha dalka ku hogaamiyey inuu noqdo dhaqaale ku salaysan digital.
Adeegga ZAAD ayaa la daah-furay bishii June 2009, waxaanu adeegani noqday mid ay macaamiishu lacag isku diri karaan lacagna ku heli karaan moobaylkooda. Macaamiisha ayaa sidoo kale adeegani u sahlay inay biilasha iyo mushahaarooyinka shaqaalaha ku bixiyaan. Sida lagu shaaciyey daraasad ay hore u qaaday hay’adda caalamka u qaabilsan mobilka ee GSMA, waxaanay sheegtay in adeegani uu si degdega ugu fiday Somaliland, waxaanu noqday adeeg si fiican u hano-qaaday. Saddex sanno guddahood markii adeegan la daah-furay, waxaa macmiil u noqday boqolkii afar (40%) ka mid ah macmiisha shirkadda. Isticmaalka adeega ZAAD ayaa aad u kordhay, waxaana adeegan isticmaala oo iska diwaan-geliyey boqolkiiba todobaatan (70%) ka mid ah macmiisha Telesom. Celcelis ahaan adeegga ZAAD macmiilku wuxuu bishii lacago ka diraa ama ku helaa ilaa 60 jeer.

Claire Scharwatt: Wax ma nooga sheegi kartaa hal-abuurkan cusub ee Telesom soo saaray ee adeegga Sarifka Mobilka?

Cabdikariim Maxamed Iid: Bishii March, 2018 waxaanu daah-furnay adeegga cusub ee safirka lacagaha ee Mobilka, adeegaasi oo sii casriyey adeega ZAAD. Adeeggani waxa uu macmiisha shirkadda u sahlay inay si fudud ay lacagta mobilkooda ku jira ee dollarka ah uga sarifan karaan si automatic ah Somaliland shillin iyagoon u baahan inay booqdaan xarumaha lagu sarifto lacagaha. Adeeggan sarifka lacagaha ee mobilku wuxuu macmiisha shirkadda u ogolaanayaa inay si dakhso badan u ogaan karaan halka uu marayo sarifka lacaguhu, iyagoo ka ogaanaya sariflayaasha haysta ruqsadda sarifka lacagaha, waxaanu qofku dooran karaa ama lacag ka sarifan karaa safirlaha ugu khidmadda wanaagsan ka heli karo. Waxay lacagta doolarka ee moobaylkooda ugu jirta ku sarifkan karaan Somaliland shillin waxaanay lacagahaasi u diri karaan asxaabtooda, waxay ku bixin karaan lacagaha baska lagu raaco, waxay ku bixin karaan biilasha, waxay sidoo kale tukaanadda kagaga iibsan karaan cuntooyinka iyo adeegyadda ay u baahan yihiin.

Claire Scharwatt: Waa maxay sababta aad sarifka lacagaha ugu soo kordhiseen adeegyadda ZAAD-ka laga helo?

Cabdikariim Maxamed Iid: Zaadku wuxuu hore ugu shaqaynaayey in lagu wadda isticmaali karo laba lacagood. Sidaasi daraadeed, waxaa loo baahday in la helo hab dhakhso badan oo si fudud qofku lacagtiisa doolarka ah ugu badalan karo Somaliland shilling. Macmiishayaddu waxay si heer sare ah ugu raaxaysan doonaan adeegan sarifka lacagaha, waana sababta ay muhiim u noqotay in adeegga ZAAD aanu kor u qaadno heerka tayadiisa, si ay dadku si haboon u adeegsadaan lacagaha mobilkooda ku jirta. Dadka Somaliland waxay noloshoodu ku tiirsan tahay xawaaladda, waxaana guud ahaan dalka si balaadhan loogu isticmaalaa lacagta doolarka, hadday noqoto wax la soo degidda, wax dhoofinta iyo bixinta mushahaarooyinka, waxaanay taasi keentay baahi loo qabo in la helo hab dadka loou sarifo lacagaha qalaad shilinka Somaliland iyadoo la adeegsanaayo adeega ZAAD. Habkani wuxuu fududeeyey in ay dadku si fudud u helaan lacagaha ay u baahan yihiin. Xawaaladdu waa khadka nololeed ee isku xidhan bulshadda Somaliland ee ku nool magaalooyinka iyo miiyadda.

Lacagaha mobilku waxay abuureen dhaqaalo elektaroonig ah, kaasoo isku xidhay nolosha bulshadda qurbo-joogta ah iyo eheladooda ku nool dalka gudihiisa. Adeeggani wuxuu bulshadda qurbo-joogta ah siiyey hannaan ay si fudud oo dhakhso badan ay lacago ugu soo direen dadkooda goor kasta iyo goob kasta oo ay ku sugan yihiin. Sidoo kale dadka dalka ku noolna wuxuu adeeggani u sahlay inay si amaan ah ku helaan lacagtooda iyadoo lacagtaasi ay jeebadahooda soo gaadhayso si aan cidina arkayn oo wax dib u dhac ahi aanu marnaba ku imanaynin.

Intaasi marka laga yimaado, shuruucdii uu dhawaan soo saaray Baanka dhexe ee Somaliland ayaa noqday kuwo adeeggan caqabad ku noqday, shuruucdani waxay xadideen in qofku qofka kale lacag u diri kor ama uu wax kaga iibsan karo meelaha u u baahdo wixii ka yar $100. Dhamaan dhaqdhaqaaqyadda lacageed ee ka yar intaasi, wuxuu qofku u baahanayaa inuu ku iibsado Somaliland shillin. Baanka Dhexe ee Somaliland ayey shaqadiisu tahay inuu la socodo dhaqdhaqaaqa lacagaha mobilka, waxaana naga go’an in aanu ku dhaqano oo aanu u hogaansano dhamaan shuruuucda iyo qawaaniinta loo dhigay lacagaha si aanu ugu fulino waajibaadka qaranka iyo ka caalamiga ah ee na saaran.

Claire Scharwatt: Adigoo ah maareeyaha guud ee shirkadda ugu weyn shirkadda Isgaadhsiinta, maxay muhiim kuugu tahay in aad sii waddo maal-galinta lacagaha mobilka ?

Cabdikariim Maxamed Iid: In aanu maal-galino lacagaha mobilka waxay ka mid tahay kuwa ugu mudan istaraatiijiyadda shirkadda Telesom. Waxaana arintaasi nagu khasbaya oo nagu dhiiri-galinaya in aanu bangi u noqono dadka aan bangi lahayn, gaar ahaanna dadka dakhligoodu ka hooseeyo bishii boqol dollar iyo wax ka yar, dadkaasina waa macmiisha ugu badan ee isticmaala adeega ZAAD. Sidaasi daraadeed, waxaanu go’aansanay in aanu helno hab aanu ku caawinayno macmiishayadda si ay ugu fududaato in lacagaha ay isku diri karaan oo ay wax ku iibsan karaan iyadoo aanu xakamaynin deegaanadda ay ku kala nool yihiin. Waxaa wax lagu faano ah in Somaliland ay noqday dalkii ugu horeeyey aduunka ee laga hirgaliyo adeega sarifka lacagaha mobilka. Adeegga Sarifka Mobilku wuxuu noqday adeeg si fudud, oo sahlan, oo kharash yar ay macmiishu lacagaha uga sarifkan karaan mobilka, waxaanay taasi keentay inay daboosho baahidii lacageed ee ay qabeen dadka dakhligoodu dhexdhexaadka yahay iyo kuwa uu hooseeyo dakhligoodu.

Adeegga lacagaha ee mobilku wuxuu horumariyey kobaca dhaqaalaha waddamada soo koraaya ee caalamka, wuxuu adeeggani abuuray fursado ganacsi, sidoo kale adeegan lacagaha mobilku wuxuu bulshadda u jiheeyey inay noqdaan bulsho ka maaranta lacagta cadaanka ah. Dhaqaalaha elaktarooniga ahi wuxu dunida maanta ka dhigay mid dhab ah, sidaasi daraadeed, waa in shirkaddaha ka shaqeeya isgaadhsiintu ay ku dadaalaan sidii ay u horumarin lahaayeen una maal-galin lahaayeen habkan lacagaha mobilka si loo horumarin lahaa adeegsigiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.