Hay’adda Dhawrista Tayada JSL oo Bayaan Ka Soo Saartay Shaanbooga Dove

HARGEYSA – (WARSOOR) – Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, waxaa ay bulshada u cadaynsaa xogta suuqa ku jirte ee Shirkadda ‘Dove’ ee soo saarta alaabadda kala duwan. Taas oo qaar ka mid ah la ogaaday in ay khatar ku keeni karto caafimaadka dadka.
Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Maadaama oo ay Qaranka mas’uul uga tahay Illaalinta bad-qabka badeecadaha kala duwan ee Dalka soo gelaaya iyo kuwa ka baxaya.

Hay’addu waxa baadhis ay samaysay kadib bulshada la wadaagaysaa xaqiiqada arrintaasi.
Shirkadda la yidhaa Unilever oo soo saarta ku dhawaad 400 oo shay. Kuwaas oo ku soo baxa Magacyo (brand) kala duwanan sida; Dove, Nexxus, Suave, Tresemme, Bad Head and Rockaholic, ayaa waxa la ogaaday in shaanbooyada ay soo saaran in laga helay maadada Bensiin (Benzene), taas oo sababi karta cudurka kansarka (cancer).

Haddaba bulshada waxa aannu ku wargelinaynaa in alaabta laga helay maadada Bensiin ay ku kooban tahay shaambooyada qalalan (Dry-Shampoo), kuwaasi oo aan gabi ahaanba laga helin Dalka Somaliland.

Sidaas darteed si looga feejignaado alaabta sababi karta xaalada caafimaad darro, isla markaasina loo hubiyo in aanay wadanka soo gelin. Waxa aannu halkan hoose ku lifaaqan xogta ay shirkadu soo saartay (Unilever). Taas oo tilmaamaysa qaybaha laga helay maadada bensiinka nambarkeeda (UPC) tixraaca.

Fadlan haddii aad arago alaabta kor ku xusan kuna sumadaysan nambarada hoos ku lifaaqan lasoo xidhiidh Hay’adda Dhawrista Tayadda.