Hargeysa: Dhalinyarada Oo $18,457dollar Ugu Yaboohday Dadka Ay Abaaruhu Ku Dhufteen

Hargeysa – (warsoor ) – Dhalinyaro ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa caawa kulan qaadhaan ururin ahi uga qabsoomay hotel Maansoor ee magaalada hargaysa. Halkaas oo ay ku uruuriyeen lacag dhan $18,457dollar, dhar iyo dahab.

Kulankaas oo ay soo agaasimeen dhalinyaro iskood isu abaabulay ayaa waxa kala soo qayb galay xubno ka mid ah guddiga qaran ee taakulaynta abaaraha, kuwaas oo dhalinyarada la wadaagay xanuunka iyo baaxadda ay abaartu leedahay.

Axmed Cabdi Wacays oo ku hadlayay magaca dhalinyaradii qaban qaabada barnaamijka ayaa dhankiisa u mahhad celiyay sida ay dhalinyarada Somaliland gaar ahaan Hargaysa ay ugu damqadeen walaalahood, waxana uu ku booruyay dhalinyarada in ay wax bixiyaan oo xoog iyo xoolaba ay walaalahood ugu deeqaan.

Sharma’arke Geelle oo ka mid ah guddiga heer qaran ee taakulaynta abaaraha ayaa halkaas ka sheegay in xaaladdu ay aad u adagtay, Waxana uu sheegay in marka abaarta iyo xanuunkeeda laga tago in ay dadka iyo xoolahaba ay u weheliyaan gaajada iyo harraadka, dhaxan daran iyo waliba xanuuno ka mid ah kuwa faafa.

Sharm’arke ayaa sheegay in qiyaasta dadka abaartu saamaysay lagu sheegay hal milyan oo qof oo ku kala nool gobolada Somaliland, waxana ugu sii daran sida uu sheegay gobolada bariga oo dad iyo xooloba lagu le’day.

Intaas kadib ayaa waxa madashaas lagu soo bandhigay muuqaal aad u xanuun badan oo laga soo diyaariyay deegaannada ay abaartu saamaysay, muuqaalkan oo ahaa mid aad u taabtay dhalinyaradii madashan kasoo qayb gashay ayaa waxa la arkayay iyadoo ilmadu ka qubanayso tiro badan oo dhalintaas kamid ah.

Sahra Kiin Kaahin oo guddiga qaban qaabada ka mid ahayd ayaa u mahad celisay Maansoor Hotel oo ay sheegtay inuu hoolka dhalinyaradu isugu yimaadeen wax badan kala qabtay, sidoo kale AlifJet iyo Iftin oo boodhka iyo kaadhadhka martiqaadka daabacay.

15134095_1119388138108736_1991515299_o-copy

Dhanka kale Sahra ayaa bilowday in ay diiwaan geliso dhalinyarada iyo mid kastaa waxa uu ku deeqayo, iyadoo qaybaha kala duwan ee dhalinyaradu midba uu ku deeqay karaankiisii, ugu danbayn ayaa Sahra waxa ay ku dhawaaqday wadarta guud ee dhalintu ay caawa ku deeqday oo noqotay 18,457 doollar, 100,000 Slsh, dahab iyo dhar.

Sheekh Ciise Cabilaahi Maxamuud oo dhalinyarada la hadlay ayaa sheegay in dhalinyarada ay maamuus iyo sharaf u tahay in ay u damqadaan dadkooda abaaruhu halakeeyeen, waxana uu kulankaas dhalinyarada ku tilmaamay mid taariikhda gali doona oo la xusi doono.

Waxana uu dhalinyaradii madasha isugu timi dhagaysiiyay codad uu kasoo duubay goobaha abaartu halakaysay, kadibna waxa uu ku daray in dhalinyaradu ay yihiin cidda looga fadhiyo in ay ku guntadaan bulshada qorshe iyo qarashba ay ku deeqaan.

Ugu danbayn waxa madashaas soo xidhay wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, isagoo mahadnaq ballaadhan usoo jeediyay bahdii dhalinyarada ahayd ee kulankan soo agaasintay, waxana uu sheegay in aanay ahayn markii u horraysay ee abaartii sannadkan bilogiisa ka dhacday gobollada galbeedkana ay dhalintani guddiga soo gaadhsiiyeen 10,450 doollar, dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in ummada la baro dhaqanka iscaawinta iyo wax wada qabsiga.

Gabo-gabadii ayaa madashan si wada jir ah loogu duceeyay dadkii wax bixiyay, intii qaban qaabisay iyo bulshada baahan ee abaaruhu ku habsadeen.

Bahda Qaban-qaabada kulanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.