Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Oo Wax Laga Waydiiyey Xafiisyo Ay U Xidheen Hawlo Baadhitaan iyo Dardar Galinta Shaqo Ee Xafiiska

Hargeisa – (warsoor) – Hantidhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Dirir Oo Dardar galin shaqo ka bilaabay mudadii koobnayd ee uu xilka la wareegay ayaa ka waramay Shaqooyinka Baaxada Leh ee Xafiiska Loo Xilsaaray inuu qaranka u qabto isagoona warbaahinta u xaqiijiyey inay jiraan xarumo ka mida laamaha dawlada oo ay qaarkood ku wadaan Baadhitaano shaqo oo la xidhiidha arrimaha hantidhawrka iyo ilaalinta hantida qaranka, Waxaanu Sheegay Hantidhawraha guud ee Qaranka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Dirir oo wax Laga Waydiiyey inay Xidheen Haayada u Qaabilsan madaarada Dalka Dhinaca Amaanka xafiisyo ay ku leedahay Madaarka Caasimada Hargeisa ayaa Yidhi Sidan. “Bislaahi raxmaani Raxiim horta inaanu Xafiis Xidhno dakhli qabanayaa Waa Shaqadayada Maalinlaha ah ee Caadiga waxaananu qaranka u xilsaaranahay inaanu la socono xafiisyada kala duwan ee soosaarka dakhliga,Tana waxa uunbay ka mid tahay Shaqadayada maalinlaha ah ee joogtada ah aanu qaranka u hayno way jirtaa inaanu shalay tagnay xafiisyada madaarada Somaliland ugu xilsaaran amaanka ee magaceeda loosoo gaabiyo SRM, Shirkadaas Sharciga ayaa Noo Fasaxaya Haddii uu yahay Ka Baarlamaanku Ansixiyey iyo hadii uu yahay ka tafaaliifta madaarada ee 76-/2016 ee xeerka hantidhawrka guud ee qaranka Somaliland.

Markaa Anagoo Waajibaadkayagii Dastuuriga ahaa fushanayna Ayaanu Galnay Xafiisyadaasi waanay jirtaa arrintaasi.waxaa intaa dheer inaanu xidhnay xafiiskii maamulaha shirkada iyo xafiiskii xisaabaadka iyo lacagta ee shirkadaasi oo lanoo xaqiijiyey in labada masuulba dubai ku maqan yihiin, markaa inta ay imanayaan si baadhistayadu usii socoto markaa waxaa noo fasaxaya sharciyada baadhista hantidhawrka haddii la waayo masuulkii xafiiska in uu noo xidhnaado ilaa uu ka imanayo qofkii shaqada gacanta ku hayey markaana aanu gudo galno baadhista.markaa wixii ka danbeeyey marka aanu shaqadayadaa ka qabsano xafiiska sidii loogu talo galay ayuu u shaqayn doonaa insha allahu tacaalaa, waana wax inta badan dhacda in marka xafiiska saraakiisha hantidhawrku ka waayaan xafiiska ay awood u leeyihiin inay xidhaan ilaa inta uu ka imanayo.”

Waxaana Hantidhawraha oo hadalkiisa sii Wataa Ka Waramay In Shaqada Xafiiska hantidhawrku wakhtigan ay tahay mid sidii loogu talo galay u shaqaynaysa islamarkaana ay si foojignaan iyo taxadir ah ula socodaan dhaqdhaqaaq shaqo iyo ilaalinta hantida qaranka haayadaha kala duwan ee qaranka Somaliland.

Maaha Markii ugu horeysay ee Haayada Hantidhawrka Qaranka Somaliland oo u Xilsaaran Dawlada ilaalinta Hantida Shacabku Sidan oo Kale Albaabada ugu Laabto xafiiyo Kala Duwan Taas oo looga danleeyahay ilaalinta umada. Waxaana la filayaa in Masuulkan loo magacaabay dhawaan Xafiiska Axmed yuusuf Dirir oo Aqoon heer Jamacadeed ah u leh ilaalinta iyo Dabagalka Arrimaha Xisaabkaad iyo Baadhitaanka Hantida Qarranka In Wax weyni iska bedeli doonaan Musuqmaasuq baahsan oo hore loogu eedayn jiray qaar kamida laamaha kala duwan ee Dawlada.

Hargeisa Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.