Hadalka Madaxweyne Macron xal ma u horseedi karaa xiisadda Tigray?

ITOOBIYA – (WARSOOR) – Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in la bilaabo wadahadllo lagu soo afjaryo colaadda gobalka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya,sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Elysee Palace. Warkaan ayaa soo baxay kadib markii Macron uu qadka Telefoonka kula hadlay subixii hore ee Sabtidii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo dhigiisa dalka Suudaan Cabdullah Xamdook.

Dhanka kale, boqolaal qaxooti Eratariyaan ah oo ku sugan Itoobiya ayaa abaabulay isu soo bax ka dhacay caasimadda, Addis Ababa, si ay uga mudaaharaadaan “gabood-fallo” loo gaysanayo qaxooti kale oo Eratariyaan ah oo ku sugan gobolka Tigray, dhibaatadaas oo ay gaysanayaan dad daacad u ah Jabhadda TPLF sida ay sheegtay wakaallada wararka ee dalka Itoobiya.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ka mid yihiin: “Waa in la joojiyaa weerarada lagu hayo qaxootiga Eritariya,” “Beesha Caalamka waa inay dhageysataa codkeena”.

Qoraalka ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada Faransiiska ee Elysee ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Macron uu yiri “horumarinta xaaladda waxay ku baaqaysaa in laga wada xaajoodo joojinta colaadda iyo in la bilaabo wadahadal siyaasadeed oo dhex mara dhinacyada is haya iyadoo la isxtiraamayo madaxbannaanida Itoobiya iyo midnimada dhuleed”.

Macron wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la qaado dhammaan xannibaadaha oo la oggolaado in gargaarka bani’aadamnimo la gaarsiiyo gobolka Tigray, halkaas oo kumannaan carruur ah ay la il daran yihiin nafaqo-darro halis ku ah nolosha, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF.

Laanta cuntada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan toban baabuur oo siday gargaar degdeg ah ay gaareen Mekele, caasimadda gobolka Tigray.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in baabuurtu ay qayb ka yihiin kolonyo 170 baabuur ah oo toddobaadyo ku xanibnaa gobolka dariska la ah gobalka Tigray ee Canfarta nabadgelyo -darro awgeed, waxayna ku nuuxnuuxsatay in qaar ka mid ah baabuurta kale ay iyaguna hadda ku sii jeedaan Tigray.

Dawladda Itoobiya ayaa dhowaan walaac ka muujisay xaaladda dadka qaxootiga ah ee ka so jeeda dalka Eratariya ee ku sugan Tigray.

Wakaaladda Wararka Itoobiya ayaa sheegtay in dibadbaxayaasha oo ay ku jiraan carruur, waayeel iyo dadka naafada ah ay ku sheegeen in “xadgudubyada ka dhanka ah qaxootiga Eratariya ee Tigray ay sii kordhayaan.Dibadbaxayaasha ayaa dalbaday “xal degdeg ah”.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, qiyaastii shan milyan oo qof oo Tigray ah ayaa ku tiirsan gargaar degdeg ah, halka afar boqol oo kun oo qof ay la il daran yihiin gaajo.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in dhibaatada bani’aadamnimo ay ka sii darto maadaama dagaalku weli socdo.

Martin Griffiths oo ah Kaaliyaha cusub ee Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadamnimada gaaray dalka Itoobiya halkaas oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta Itoobiya, wuxuuna ku wajahan yahay gobalka Tigray iyo gobolka Amxaarada ee dariska la ah.

“Paris waxay taageeraysaa dadaallada madaxa cusub ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada, Martin Griffiths, oo hadda ku sugan Itoobiya si uu ula tashado dowladda iyo fallaagada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Faransiiska.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bishii Nufeember ee la soo dhaafay ciidamo u diray Tigray si ay u soo xiraan isla markaana hubka uga dhigaan hoggaamiyeyaasha TPLF , tallaabadaas oo uu ku sheegay inay jawaab u ahayd weerar ay jabhadu ku qaaday xeryaha ciidamada federaalka.

Inkasta oo Abiy uu ku dhawaaqay guul siddeed bilood ka dib uuna la wareegay gacan -ku -haynta magaalo madaxda gobolka, eeMekele, haddana fallaagadu waxay awood u yeelatay inay dib u hanato maamulkii caasimadda iyo inta badan gobolka.

Dagaal sagaal bilood socday oo u dhaxeeyay xoogaga TPLF iyo ciidamada dowladda Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof. Dhammaan dhinacyada isku haya ayaa lagu eedeynayaa dil wadareedyo iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.