Guulaha Mucaaridku Gaadhay Waxay Muujisay Dimuqraadiyadda Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Doorashadii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoomay 31kii May, waxa ay Caalamka u soo bandhigtay dimuqraadiyada iyo xornimada ay doorashooyinku ku hirgaleen. Marka la eego natiijada xisbiyadu ka kala kasbadeen doorashooyinkaas isku sidkanaa.

Doorashooyinka Afrika, waxa inta badan soo baxa galangal ay xisbiyada dawladnimada gacanta ku hayaa ay ku yeeshaan sanduuqa codbixinta, si ay u urursadaan tirada ugu badan ee codadka laga dhiibto doorashooyinka, taasi oo mar walba ka dhigta xisbul-xaakimka inuu yeesho gacanta sare ee Doorashada.

Jamhuuriyadda Somaliland sidaas way ka duwan tahay oo doorashooyinka dalka, waxa la isku dhaafaa rabitaanka codbixiyaha. Mana jirto wax farogelin ah oo ay Xukuumaddu ku yeelataa doorashooyinka.

Doorashadan waxa xisbul-xaakimkii KULMIYE dhaafay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo Kuraasta Golaha Wakiillada ka helay 31 Kursi, halka xisbiga KULMIYE uu helay 30 Xildhibaan, xisbiga UCIDna uu ku guulaystay 21 Xildhibaan.

Xisbiyada mucaaridka ahi waxay doorashadii Golaha Wakiillada ka heleen 52 Xildhibaan, natiijadaasi waxay ka marag furaysaa xalaalnimadii doorashadu u dhacday iyo sida xisbiyadu ay khilaaf la’aan ugu kala baxeen natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa.

Sidaas si la mid ah xisbul-xaakimka KULMIYE wuxuu 20ka degmo doorasho ka helay kuraastii Goleyaasha deegaanka 93 xubnood, halka xisbiga WADDANI uu helay 79 xubnood oo gole deegaan, iyadoo xisbiga UCID-na uu helay 48 xubnood oo goleyaasha deegaanka ah.

Waxa kaloo natiijadii Goleyaasha deegaanku ay muujisay in wadarta labada xisbi mucaarid ay ka heleen Goleyaasha deegaanku ay noqotay 127 xubnood, waxaanay ka badan yihiin 34 kursi tirada xisbul-xaakimku ku guulaystay, taasina waa natiijo muujisay in xisbul-xaakimka KULMIYE uu ku faani karo inuu dhigay saaxad dimuqraadi ah oo si xor iyo xalaal ah loo baratamay.

Doorashadii dalka ka dhacday, waxay cashar u tahay dalalka Mandaqada ee doorashooyinkoodu aanay gaadhin heerka ay Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay, guulaha doorashadan ka dhashay waxa ka mid ah; in dhallinyaradu jabisay darbigii xadiidka ahaa ee ka hortaagnaa ka qaybgalka siyaasadda, waxana in ka badan Boqolkiiba Toddobaatan dadka ku guulaystay doorashadu ay u badan yihiin dhallinyaro kacaantay 30kii sannadood ee Somaliland la soo noqotay madax-bannaanideeda,waxana da’yartaas laga filayaa inay rumeeyaan himilladii ummaddu ku xulatay.

Natiijada doorashadu waxay iftiiminaysaa in hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland uu iskii u hano-qaaday maadaama oo Somaliland jeebadeeda ka bixisay dhaqaalihii ugu badnaa ee ku baxay doorashadan, waxaanay si ficil ah u soo bandhigtay inay ka maarmi karto dalalka galbeedka ee ka taageeri jiray doorashooyinka.

Ugu dambayn, waa in shacbiga Somaliland ay sii xoojiyaan hannaankooda doorashooyinka ku sallaysan qof iyo codka, isla markaana meesha laga saaro wixii nusqaan ah ee laga bartay muddadii lagu gudo jiray doorashadan, waxaana habboon in lagu sii taagnaado doorashooyinka isku sidkan ee noocan oo kale ah, si looga baaqsado dhaqaalaha badan ee ku bixi jiray doorashooyinka kali-kalida ah. Waxaan ku khatimayaa “La kala dheeree orodse maaha”

Cumar Maxamed Faarax

00252 24424148

252 2 9162495