Guulaha Diblumaasiyadeed ee ay Qaranka Somaliland Usoo Hoysay Safaarada Somaliland ee Jabuuti…

JABUUTI – (WARSOOR) – Waxaynu Qormadeenan Maanta Kusoo qaadan doonaa Waxqabad mug leh iyo Guulo diblumaasiyadeed oo ay gaadhay Safaarada Somaliland ku leedahay dalka Jabuuti, oo sadexdii sannadood ee u dambeeyey oo ay samaysay isbedel gaan-qaadhnimo ah, iyadoo uu kor-u-kacay heerkii Diblumaasiyadeed ee Somaliland ku dhex lahayd dalka Jabuuti, isla markaana Safarada Somaliland la siman tahay Safaaradaha kale ee Wadamada aqoonsiga haysta, ku leeyihiin Wadanka Jamhuuriyada Jabuuti.

Safaaradu waxay ku guulaystay in dhowaan ay qoraal rasmiya u dirtay Wasaarada Caafimaadka Jabuuti, waraaqdaas ayaa waxa si degdega uga soo Jawaabtay Wasaarada Caafimaadka Jabuuti, waxanu daarana qoraalku inay Jabuuti Somaliland ka caawiso Daaweyinka Kelyaha lagu siffeeyo oo ka go’ay Dhakhtarka weyn ee Magaalada Hargeysa. Safaaradu waxay ku guulaystay inay Gaadhi Daawoyinka sida la gudoonsiiyey, Isla markaana si toosa loo Keenay Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Dedaalada iyo tis-qaadka Diblumaasiyadeed ee Somaliland uga soo kordhay Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa ku suntan Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaas Amb. Cabdifatax Siciid Axmed iyo labada Madaxweyne ee labada Dal Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Ismaacil Cumar Geelle, oo la yimmi cilaaqaad toosa oo Diblumaasiyadeed oo meeqaamkiisu sareeyo.
Isbedelada Siyaasadeed ee Geeska iyo firfircoonida Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, waxay Safaarada gaadhsiisay inay la meeqaam noqoto, saafaradaha kale ee dhigeeda ah, iyaddoo loola macaamilo qaab isku derejo ah, oo aan kala hooseyn, sidii hore u jiri-jirtay, waana waxqabad uu la yimmi Safiirka Somaliland ee Jabuuti.

Waxa kaloo xusid mudan, talaabadii Safaarada Somaliland ee Jabuuti kusoo farsaamisay bulsho badan oo reer Somaliland ah, kuwasoo Xiligii Coronavirus ku xayirmay Jabuuti, isla markaana uu safiirku u gurmaday, dedaalo uu sameeyey Kadibna u ku guulaystay inuu Diyaarad khaasa rakaab ka badan 80 Muwaadin kusoo guryo-celiyey dalkooda Hooyo.

Waxa kaloo Guulaha Diblumaasiyadeed kamid ah, Tusaale ahaan Gaadhiga uu wato Safiirka Somaliland ee Jabuuti, waxa ku dhejisan, Taarikada Baaburta Safiirada Igad, waana dedaal ay ku majiirtaan dadka sida dhow ula socda horumarka iyo tisqaadka Safaarada Somaliland ee dalka Jabuuti, inuu la yimmi safiir Cabdifatax Siciid Axmed.
La soco qaybaha dambe.