Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Xilkii Iska Casilay

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga, Weshadaha iyo Beeraha Somaliland Md. Maxamed Shukri Jaamac ayaa xilkii iska casilay.

Gudoomiyaha oo shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Ganacsiga ayaa faah-faahiyey sababta uu xilka uga tagay, isagoo isla markaasina cadeeyey inuu xilka uga tagay sababo isaga u khaasa.

Gudoomiye Maxamed Shukri oo arimahaas ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi” waxa aan maanta halkan ka bayaaminayaa inaan iska casilay xilkii gudoomiye-nimo ee Rugta Ganacsiga oo aan mudo 8 sano ah hayey, Gudida maamulka Rugta Ganacsiga oo fadhidana waan u bandhigay waanay iga aqbaleen, waanay ku mahadsan yihiin, Anigoo xilka gudoomiye-nimo ee Rugta Ganacsiga qabtay sanadkii 2011 anigoo isla markaasna sadex sano oo ka horeysay soo hayey xilka Gudoomiye Kuxigeenka Rugta taasi oo isku noqonaysa mudo 10 sano iyo dheeraada mudada aan xilkan hayey, 

Gudoomiye Shukri oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxay iigu muuqatay in aan mudadaas aan xilka hayey intii aan maskaxdayda tuujin karaayey aan tuujiyey oo aan  intii aan xafiiskan u faa’idayn karaayey aan u faa’ideeyey, Sidaa aawadeed waxa la gaadhay xiligii ay cid kale xafiiska la wareegi lahayd oo ay hawsha halkaas aan soo gaadhsiiyey uga sii qaadi lahayd.

Gudoomiye Maxamed Shukri ayaa sidoo kale ka hadlay sababaha waqtigan kusoo beegay inuu xilka ka fadhiisto isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi” 

Dad badan oo warku gaadhay ayaa ilaa shalau isoo waydiinaayey, Majiro wax Culays ah oo meelnaba igaga yimi inaan xilka baneeyo, Rugta Ganacsigu waxay leedahay Gudi Guud Gole Fulineed oo kuwaas idin hor fadhiya ah oo aniga ii igmaday xilka Gudoomiyenimo, mudadii aan xilka hayey Karaamo iyi sharaf ayaanu kusoo wada shaqaynaynay, Xidhiidhkayaguna maanta waa maalintii uu ugu wanaagsanaa, Nin yidhaahda maxaad xilka uga tagaysaa mooyaane may dhicin nin iyidhaahda waad raagtaye meesha goormaad ka tagaysaa”

Gudoomiye Maxamed Shukri oo ka hadlaayey xidhiidhkii wada-shaqayneed ee ka dhaxeeyey Xukuumada talada haysa ayaa waxa uu yidhi” Rugta Ganacsigu waa haayadaha ugu da’da weyn ee Qaranka waxaanay u  dhaxaysaa Hantiileyda Gaar ahaaneed Somaliland iyo Dawlada, Xukuumadan hada talada haysana xidhiidh aad u fiican baa naga dhexeeya, Madaxweynahan hada talada hayaana waxa uu la yimid masuuliyad culus oo uu iska saaray dhanka ganacsatada, Taasi oo uu Rugta Ganacsiga iyo Ganacsatada ka qayb-galiyey talada guud ee dhaqaalaha dalka oo uu ka codsaday inay talada qayb muhiima ku yeeshaan, Taasi oo keentay in inta badan marka la qaadanaayo go’aamo khuseeya dhaqaalaha dalka in naloogu yeedho oo wax nalaga weydiiyo, Wasaarada Ganacsiga oo ah halka aanu kaga xidhano Xukuumadaba waxa naga dhaxeeya xidhiidh aad u fiican ,way jirtay marar hore in khilaafaad soo kala dhex-gali jiray balse Wasiirkan iyo guud ahaan hogaanka iyo shaqaalaha Wasaaradaba xidhiidh aad u fiican baanu leenahay,Markaa is casilaadaydan waxa keenay dan iyo duruufo aniga ii gaar ah”

Gudoomiye Shukri oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi” Sida xeerks Rugta Ganacsigu dhigaayo marka Gudoomiyuhu geeri, xil gudasho la’aan iyo iscasilaad xilka ku baneeyo waxa sharciga rugtu dhigayaa inuu xilka si toos ah ula wareego Gudoomiye Kuxigeenka Rugtu, Markaa Gudoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga oo ah Jamaal Caydiid ayaa si toos ah xilka ula wareegidoona

Gudoomiye Shukri oo ka hadlaayey waxyaabihii u qabsoomay mudadii iu xilka hayey ayaa waxa uu yidhi” mudadii aan xilka hayey waxyaabihii ii qabsoomay ku dheeraan maayo waayo ragii aan xilka u hayey waa kuwaas i hor fadhiya oo iyaga ayaa markhaati ka ah, balse hadaan tusaale usoo qaato markii aan xilka qabtay Rugta Ganacsigu waxa ay ku jirtay sadex qol oo yaryar oo aanu toobal caaro ama amaano ugaga jirnay xarunta hayaada shaqaalaha dhexdeeda taasi oo aan maanta wareejinaayo xaruntan iyo dhismahan aynu dhex fadhino.

Xidhiidhka Dawlada ee Rugta Ganacsiga iyo ka Rugaha Ganacsiga Caalamkaba kor ayaanu u qaadnay,Isku xidhka Ganacsada dalka iyo Rugtana kor baanu u qaadnay, sidoo kale gudiyada Rugta ee Laamaha Gobolada wada-shaqayntooda kor baanu u qaadnay”

Gudoomiye Shukri ayaa Gababagabadii mahadnaq balaadhan usoojeediyey Guud ahaan xubnaha Rugta Ganacsiga Somaliland iyo Ganacsatadii uu Gudoomiyaha u ahaa mudada dheer isagoo isla markaasina uga mahadnaqay wadashaqayntii iyo taageeradii baaxada lahayd ee ay la garab istaageen mudadii uu xilka hayey, Isagoo isla markaasina si gaara ugu mahadnaqay Gudida Maamulka Rugta Ganacsiga oo uu xusay inay si milge iyo karaamo leh ula shaqeeyeen mudadii uu Gudoomiyaha u ahaa.

Gudoomiye Maxamed Shukri Jaamac ayaa sidoo kale Gunaanadkii shirkiisan Jaraa’id si weyn ugu mahadnaqay bahda Warbaahinta Somaliland oo uu xusay in ay si mugle ula shaqeeyeen mudo xileedkiisii isla markaasina aanay jirin hal maalin oo ay sawir qaldan ka baahiyeen Rugta Ganacsigahttps://youtu.be/zmZ5HpPXzB4

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.