Gudoomiye Xisbiga KULMIYE Oo Shacbiga Ku Hambalyeeyey Ciddal Fidriga Baaqna u Diray Ardaayadda Ku Dagalaamaya Sool

Hargeysa  – (warsoor) – Gudoomiyaha xisbul xaakimka KULMIYE Md. Muuse  Biixi Cabdi oo war-murtiyadeed ka soo saaray xafiiskiisa dhexe ee magaaladda Hargeysa waxaa uu shacbiga Somaliland ugu hambalyeeyey munaasibadda Ciidal Fidriga sidoo kale waxa uu gu baaqay dadka walaalaha ee ku dagaalamaya Sool inay joojiyaan dhiiga daadanaya.

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo hambalyo u diraya shacbiga Somaliland ayaa yidhi, “Sanadkan 1437 ee Hijriyadda ee soonka Ramadaan ciidiisa waxaan ku hambalyeynayaa ummadda Islaamka ah meel ay joogaanba, waxaan u rajaynayaa dhamaantood barwaaqo iyo horumar. Si gaar ah waxaan u hambalyeynayaa shacbiga Somaliland meel ay jooogaanba, waxaan u rajaynayaa dhamaantoodba bashbash iyo barwaaqo”, sidaasi waxaa yidhi gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Gudoomiye_muuse-biixi

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa baaq u diray beelaha walaalaha ee dirirtu ku dhex martay gobolka Sool waxaanu ugu baaqay inay joojiyaan colaada, waxaanu yidhi, “Waxaan ummadda ugu baaqaya gaar ahaan goboladda Bariga ee waxoogaha shiqaaqadu ka jirto  Dharkeyn-geeyo in nabadda lagu dadaalo in shiqaaqadaasi la qaboojiyo, in caqligu shaqeeyo, in waayeelka badan ee guurtida iyo waayeelka badan ee isku yimid ee hawshaasi wadda ee madax-dhaqameedka leh ee dawladda lehee arintaa lagu gacan qabto oo nabadda la soo celiy oo dhiiga muslimiinta ee isku daadanaya la joojiyo”.

Halkan ka daawo muqaalka warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.