Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta xaflad lagu shaacinaayey gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee loogu magacaabay Cabdiqaadir Jirde inuu u noqdo xisbiga.
Xafladdan oo ka qabsoontay huteel guuleed ee magaaladda Hargeysa, waxaa ka soo qayb-galay hogaanka iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI.
Gudoomiye Cirro ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka la xidhiidha ee dhinaca maaliyadda oo uu sheegay in aanay wali xukuumadda Somaliland shaacin in ay dhinaceeda shubtay kharashka doorashadda ee dhinaceeda laga rabay, waxaanu xukuumadda ugu digay inay dib dhigto bixinta lacagtaasi oo ay hadhow doorashadda ku dib dhigto.
Gudoomiy Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku baaqay in doorashadda xiligeeda lagu qabto, waxaanu sheegay in diyaar u yahay oo haddii la doorto uu shacbiga u noqon doono “U-adeege”.
Halkan ka daawo khudbadda Cabdiraxmaan Cirro oo aanu ka soo xigay Maal Channel:
This post is also available in:
Somali