HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada JSL ahna kusimaha Gudoomiyaha Md. Siciid Mire Faarax (Giirre) ayaa Maanta kulan hawleed u furay Gudoomiyayaasha Gudiyada Golaha iyo Gudidda Joogtada ah ee Golaha wakiilada.
Kulankan oo ka dhacay Huteel MAANSOOR ee magaalada Hargeysa socon doonana 2 maalmood ayaa ujeedadiisu ahayd aqoon korodhsi ku saabsan Hanaanka gudashada shaqadooda
Kulan hawleedkan ayaa Golaha waxa gacan ka Siiyey Hay’adda Caalamiga ah ee MAX PLANCK Foundation
This post is also available in:
Somali