Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Laanta Holland Oo Si Kulul U Cambaareyey Afduubka Lagula Kacay Amp.Axmed Safiina

Holland – (warsoor) – Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Laanta Holland Md.Xiis Maxamed Cighe ayaa si kulul u cambaareyey Afduubka lagula kacay Amp.Axmed Safiina

Gudoomiyaha oo goordhawayd war-murtiyeed arintan ku saabsan nasoo gaadhsiiyey ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

Aniga oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee dalkan Holland Mudane: Xiis Maxamed Cige. waxaan si addag iyo cod dheere u cambaareynaya weerar gacan ka hadal ah ee ay kusoo qaaden koox budhcad abaabulan ah Xildhibaan Weli Axmed Xaawa.

Waxa kale oo aan cambaareynaya xadhiiga laku xidhay wadanka Kenya Xoghayaha arimaha Carabta iyo dawladdaha Islaamka ee xisbiga Waddani Ambasatoor: Axmed Safiina aya sifo shirci-darro ah loogu taxaabay xabsiga. Xadhiiga ayaa wuxuu danbeeyey cago-jugleynta, tacaddiga, jidh-dilka iyo cabudhinta ee beriyahanba xisbiga kulmiye ku wadey masuuliyiinta xisbiga Waddani.

Xisbiga kulmiye markii u ku fashilmay hogaanka dalka iyo rajo xumadda siyaasada xusbi xaakimka ee ay ka mujiyen shacabka reer Somaliland.

Waxa is weydin mudan xisbiga kulmiye ma xisbul xaafadeeba mise waa xisbi xaakim?

Xisbiga kulmiye ma mucaaradba mise waa xisbul xaakim? Isagaaba  mucaarid isku ah kab dhagankiisa siyaasadeed.

Waxaan leeyahay Madaxda xisbiga kulmiye majoogno wakhtiigi hanjabaadaha iyo cago-jugleynta. Waa wakhtiigi qalnika iyo aqoontu shaqeynaysey.

Xisbiga Waddani oo quluubtii shacabka reer Somaliland hantey, halku xisbiga xaakim ku fashilmay.

 

Wabilaah tawfiiq

By: Gudoomiye : Xiis Maxamed Cige ( Holland )

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.